Wasiirka Beeraha XFS oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

Date:

Muqdisho (SNTV):- Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Soomaaliya,ku-xigeenkiisa iyo agaasimaha guud ee Wasaaradda ayaa maanta kullan lagu dardar gelinayo howlaha shaqo ee Wasaaradda Beeraha la qaaday safiirka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya mudane Xamuud Al- Xuwayti.

Kulanka ayaa looga hadlay arrimo badan oo ay ugu muhiimsaneyd xoojinta wada shaqeynta labada dhinac , qorshe dejinta shir lagu wado inuu ka dhaco Masar,kaasi oo looga hadli doono wax soo saarka beeraha, deyn cafinta Soomaaliya ee Jaamacadda Carabta, tababarsiinta beeraleyda Soomaaliyeed  iyo sidii jaamacadda Carabta ay uga qeyb qaadan laheyd mashaariicda wax soo saar ee dalka Soomaaliya.

Safiirka jaamacadda carabta u fadhiya Soomaaliya mudane Xamuud Samraan Al- Xuwayti oo kulanka kadib warbaahinta Qaranka la hadlay ayaa Mas’uuliyiinta Wasaaradda Beeraha kaga mahadnaqay sida sharafta leh oo ay usoo dhoweyeen, wuxuuna ballan qaaday  in Jaamacadda Carabta ay gacan ka gaysan doonto sidii loo kobcin lahaa wax soo saarka dalka Soomaaliya .

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya mudane Saciid Xuseen Ciid ayaa sheegay in qodob muhiim oo wax ku ool ah Soomaaliya ay labada dhinac ka wada hadleen dhammaana la isku afgartay waxyaabihii laga hadlay.

Kulanka labada dhinac ayaa kusoo idlaaday is afgarad waxaana la isla gartay in la dhaqan geliyo dhammaan qodobadii laga hadlay , Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya mudane Saciid Xuseen Ciid ayaana ugu dambeyn  Safiirka u hadiyadeeyay qaar kamida dalagyada wax soo saar ee dalka ka baxa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga oo guddoomiyey shir looga hadlayay dardargelinta howlaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo si rasmi ah u furay Kulanka Dowladda iyo Bulshadda Rayidka ah

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan...

Shir u dhaxeeyay Danjireyaasha Wadamada Afrika oo lagu soo gabagabeeyay Magaalada Mombasa

Waxaa Magaalada Mombasa lagu soo gaba-gabeeyay shir wada-tashi ah...

Putin oo soo jeediyay in Rashia iyo Ukraine ay kulan toos ah ku yeeshaan Istanbul

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa soo jeediyay in Ukraine...