In ka badan 15-Horjoogayaal Al-Shabaab ah oo lagu dilay Jubbada Hoose

Date:

Muqdisho (SNTV)- In ka badan 15-kamid ah Argagixisada Alshabaab ayaa dhintay tiro kalena way ku dhaawacmeen ka dib markii xalay duqeyn lala beegsaday Gobalka Jubadda Hoose halkaas oo ay ku shirsanaayeen ku dhowaad 30 ka tirsan horjoogayaasha Argagixisada Al-Shabaab. sida ay Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyeen ilo muhiim ah.

Duqeynta ayaa ka dhacday meel 11-km qiyaastii u jirta tuulada Hargeysa Yarey ee gobolka Jubada Hoose, wararka ayaa intaa ku daraya in ilaa sadex gantaal oo xoogan lagu dhuftay goobta ay ku shirsanaayeen Al-shabaab.

Horjoogayaasha Argagixisada Alshabaab ee shirka joogay waxaa kamid ah, Daahir Gacmay, C/raxmaan Takar, Sayid Dheere, C/laahi Rabbi, Horjooge Waliid iyo kuwo kale oo intaa ka badan.

Duqeymaha ayaa maalmahan isdaba joog ahaa, waxaana khasaare badan ka soo gaaraysay Horjoogayaasha Soomaalida iyo Ajaanibta isugu jira ee Alshabaab kuwaasi oo ku dhuumaalaysanaya deegaanada Miyiga ah ee Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Dr. Maryan Qasim oo kulan la yeelatay Safiirka UK ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Dr. Maryan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray xarunta keydka Daawada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Dowladda Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka sare ee Afrika iyo Faransiiska ee ka dhacaya Nairobi

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Baarlamaanka Carabta oo cambareeyay markab shidaal iyo badmaaxiin u dhashay Masar oo la afduubtay

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, Maxamed bin Axmed Al Yamaaxi, ayaa...