Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka oo maanta gaaray magaalada Baladweyne

Date:

Muqdisho (SNTV):- Wafdigan uu horkacayay abaandulaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaliyeed Generaal Odawaa Yuusuf Raage oo ay qeyb ka ahaayeen xubno ka socday Xafiiska Ra’iisal wasaaraha iyo xubno kale oo ka socday Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Taliyaha qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Generaal Maxamuud Macallim Koronto ayaa ujeedka socdaalka Abaanduulaha ku sheegay iney tahay tirakoob lagu sameeyo Ciidanka Xoogga dalka si akoono ugu qaataan mushaarkooda iyo waliba awooda ciidanka.

Generaal Odawaa Yuusuf Raage aya kormeeray qeybaha uu ka kooban yahay taliska guutada 5-aad ee xoogga dalka Soomaaliyed ee ka howlgala  gobolka Hiiraan,isagoona u kuur galay xaaladda ciidanka ay ku shaqeynayaan.

Gaba-gabadi kormeerka waxaa warbahinta lahadlay taliyaha qeybta 27-aad  ee xoogga  dalka Soomaliyed Generaal Maxamuud Macallim Koronto,wuxuuna sheegay muhiimadda ugu weyn ee socdaalka Abaanduulaha Ciidan Xoogga dalka ay tahay in la ogaado tirada saxda ah ee Ciidanka Xoogga ee ka howlgala gobolka Hiiraan si hadda wixii ka danbeeya musharaarkooda akoonadooda ay ugu qaataan.

Taliska Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed ayaa ka go’an fulinta amarkii madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ahaa in laga wada shaqeeyo taakuleynta iyo dhiira gelinta Ciidamada Xoogga dalka ee dagaalka kula jira kooxaha argagixisada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shirka Labaad ee Kaabayaasha Tayada Qaranka oo Muqdisho ka furmay

Waxaa maanta Muqdisho ka furmay Shirka Labaad ee Kaabayaasha...

Boliiska oo digniin adag kasoo saaray sumcad-dilka iyo aflagaado loo geysto madaxda qaranka & ku xadgudubka diinteenna suuban

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa digniin adag kasoo saaray sumcad-dil...

Taliyaha Ciidanka Dhulka :Dadka deegaanka ayaa sabab u ah in ciidanku ku jebiyaan Khawaarijta Ceeldheer

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal Cabdullaahi...

Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta

Jabkii isdaba joogga ahaa ee khawaarijta ka soo gaaray...