AUN Tababarihii hore ee Xulka Qaranka ee kubadda koleyga Cabdi dheere oo geeriyooday

Date:

Toronto (SNTV)–Tabbabarihii hore ee xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda Koleyga Macalin Cabdi Maxamed Cige oo ku magac dheeraa Cabdi Dheere ayaa 13-kii bishan ku geeriyooday magaalada Toronto ee dalka Canada.

Tababare Cabdi Dheere ayaa wuxuu ka mid ahaa Ciyaartooydii kooxda Jeenyo ee dhowr jeer qaaday horyaalka kubadda kolayga sannadihii 80- tamaadka, wuxuuna ka mid noqday tababarayaashii kubadda kuleyga ee Qaranka Soomaaliyeed.

Intii uu ahaa tababaraha Qaranka, Macallin Cabdi Dheere waxaa uu kooxda Qaranka ee kubadda kolayga u suura-gashay in ay guulo ka soo hooyaan Qaaradda Afrika iyo waliba jaamacadda Carabta.

Allaha u naxaristo tabbabare,Cabdi Dheere ayaa in muddo ahba ku xanuunsanaa Isbitaal ku yaala magaalada Toronto ee Dalka Canada, waxaana lagu  aasay magaalada Toronto oo uu in muddo ah deganaa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...