Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibedda XFS oo sagootiyay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Date:

Muqdisho(SNTV): –  Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi, ayaa ku qaabilay xafiiskiisa Safiirka Turkiga ee Soomaaliya, Mudane Olgan Bekar, munaasabad lagu sagootinayay kahor inta aanu dalku ka ambabixin kadib markii muddo xileedka shaqo ee danjiranimo ee Soomaaliya ay ka idlaatay.

Wasiiru Dowlaha  ayaa sheegay in danjire Olgan Bekar uu ahaa saaxiib wanaagsan iyo taageere xiriirka diblomaasiyadeed ee wejiyada kala duwan leh ee u dhexeeya Muqdisho iyo Ankara. Bekar, Safiirka muddo xileedkiisa shaqo ay dhamaatay, ayaa tixgelin weyn ka helay Soomaalida ha noqdeen dowladda iyo shacabkaba muddadii afarta sano ahayd ee uu howlgalayay.

Dhinaca kale safiirka Turkiga,ayaa aad ugu mahadceliyay Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo carabka ku adkeeyay in xiriirka labada dal ee walaalaha ah uu hore u sii socon doono si joogto ah oo ay ku jirto danta labada dal.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dalka Ciraaq u qaabilsan Soomaaliya 

Muqdisho, Arbaco, 11 Febraayo 2026: – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Agaasimaha Guud Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo La Kulmay Danjiraha Shiinaha

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta,...

Wasiiru-Dowlaha Gaashaandhigga oo Booqday Markabka Dagaalka ee Turkiga ee Muqdisho

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Xildhibaan Cumar Cali Cabdi, oo uu...