Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay dhigiisa Jaziiradda Qubrus

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyada Fedearaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdraxmaan ayaa maanta la kulmay dhigiisa Jaziiradda Qubrus Mudane Teberruken Ulucay.

Guddoomiyaha oo si diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada Lefkosa ee Waqooyiga Qubrus ayaa dhigiisa kala hadlay xoojinta xiriirka labada dhinac.

Sidoo kale waxa ay ka wada hadleen sidii wadajir la isaga kaashaan lahaa arrimaha horumarinta iyo aqoon kororsi dhex mara.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa inta uu ku sugan yahay Jaziiradda Qubrus waxa uu la kulmi doonaa Ra’isal wasaaraha iyo Madaxweynaha dalkaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan oo shir kaga qaybgalaya Switzerland

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan, Md. Cali...

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka wadahadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada Hay’adaha Amniga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Gen....

DFS oo ka qeyb gashay kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Afrika ay la yeesheen Madaxweynaha K/Koonfureed

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), oo kaashanaysa Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka...