Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada XFS oo Olole Nadaafadeed ka Bilaabay Matxafka Qaranka

Date:

Muqdisho (SNTV) Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Eng Cabdi Cashuur Xasan oo Guddoominaya Guddi Hoosaadka  dhismaha Matxafka Qaranka iyo Shaqaalaha Wasaaradda ayaa maanta Olole Nadaafadeed ka bilaabay Matxafkii Qaranka oo Dowlada Soomaaliya ay Shacabka degan u qabatay Mudo 15-Maalmood inay kaga guuraan maadaama la doonayo in lagu dhiso Mashruuca Is Xilqaan.

Wasiirka ayaa kaga mahad celiyay Shacabkii degenaa Matxafka Qaranka sida ay ugu dhaga nuglaadeen Amarkii Dowlada, iyagoona ka guuray ka hor mudadii loo qabtay oo Beri ku eg.

“Waxaan rabaa inaan aad ugu mahad celiyo Shacbiga Soomaaliyeed gaar ahaan dadkii degenaa halkan oo muujiyay Wadannimo, Is Xilqaan iyo Dowladnimo jaceyl una dhago nuglaaday Awaamiirtii Dowlada waxaa loo qabtay 15-Maalmood oo Beri ay ku eg tahay hadana waxaa noo muuqato in cidna aysan degeneyn oo Amarkii Dowlada ay qaateen Shacabka”.ayuu yiri Wasiirka.

Mudane Cabdi Cashuur Xasan ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu Labo Todobaad ka dib markii Ololaha Nadaafada lasoo gaba gabeeyop uu dhagax dhigi doono Matxafka Qaranka.

“Waxaa inoo xiga inaan Howlo nadaafad Matxafka Qaranka ka bilawno waxay qaadan doontaa labo Todobaad kadib waxaan rajeyneynaa in Madaxweynaha jamhuuriyadda uu dhagax dhig u sameyn doono ka dibna hawshii ayaa bilaaban doonta waxaana rajeyneynaa Bartamaha sanadka soo socda in Madxaf qalabeysan oo dayactiran inuu halkan kasoo baxo”.

Matxafka Qaranka waxaa ku hareereysan Theaterka Qaranka waxaana kasoo horjeeda Maktabadii Qaranka waxaana Beri samaadkii loo aqoon jiray goobtaasi Magaaladii Dhaqanka, iyadoo Wasiir Cabdi Cashuur uu Dhalinyarada Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka faa’iideysan doonaan Goobaha Taariikhiga ah oo Dowlada Federaalka ay dib usoo nooleyneyso.

“waxaan rajeyneynaa inay Dhalinyarada ka faa’iideystaan Taariikhdooda oo ay ka baran doonaan Matxafka Qaranka, sidoo kale ay wax kasoo akhristaan Maktabadii Qaranka, Suugaantii iyo Wacyi gelinta ay uga socoto Theaterka Qaranka, waxaan Shaqaalaha ku baraarujinayaa inay ka dhabeeyaan Mashruucii Isxilqaan oo ay ku dhawaaqeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda ayuu yiri Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...