Ra’iisul Wasaare Khayre oo Guddoomiyay Shirka geeddi socodka dayn cafinta Soomaaliya

Date:

Muqdisho november 13 (SNTV);-Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta guddoomiyay Shirka toddobaadlaha ah geeddi socodka cafinta daymaha lagu leeyahay Soomaaliya oo lagu qabtay xarunta wasaaradda maaliyadda.

Wasiirka maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya, Dr Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, oo natiijada kulanka ka warbixiyay ayaa sheegay intii kulanku uu socday in kulankii maanta looga hadlay meesha uu marayo qorshaha dayn cafinta.

Wasiirka maaliyadda ayaa sheegay in ay ra’iisul wasaare Khayre ay uga warbixiyeen guulaha laga gaaray shuruudaha dayn cafinta ee dawladda lagu xiray iyo shaqooyinka qabyada ah ee dhammaytirka u baahan ah kahor shir dawladda Soomaaliya iyo IMF ay uga wada hadlayaan dar-dar gelinta cafinta daymaha Soomaaliya, kaas oo Nairobi ka dhacaya bisha December ee sannadkaan.

Shirka Toddobaadlaha ah ee geeddi socodka dayn Cafinta Soomaaliya oo ay kasoo qayb galaan dhammaan dhinacyada qaybta ka ah geeddi socodka ayaa looga hadlaa qodobada ka fulay heshiiskii Hay’adda lacagta adduunka (IMF) iyo Dawladda Soomaaliya iyo dar-dar gelinta qorshayaasha fududaynaya in Soomaaliya daynta laga cafiyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulanka Guddiga Joogtada ah ee BFS oo lagu dhaariyay Wasiirka cusub ee Warfaafinta

Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Wafdi uu Hoggaaminayo Wasiirka Caafimaadka oo Gaaray Magaalada Jowhar

Wafdi ballaaran oo ka socda Wasaaradaha Caafimaadka ee Dowladda...

Dibadbax lagu taageerayo dowladda iyo doorashooyinka qof iyo codka ah oo dhacay degmada Kaaraan

Shacabka degmada Kaaraan ayaa xaafadda Mirinaayo ku qabtay dibadbax...

Wasiirka Cadaaladda oo ka hadlay guulaha DFS ay ka gaartay dimuqraadiyeynta iyo dib-u-habeynta garsoorka

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...