Shirka Maayaradda Casimadaha dalalka Islaamka oo lasoo gaba gabeeyay

Date:

Muqdisho (SNTV) Magaalada JabuUti ayaa lagu soo gaba gabeeyey shirka 32-aad ee Maayaradda Casimadaha dalalka Islaamka, kaas oo looga hadlayey iskaashiga magaalooyinka iyo mashaariicda horumarineed ee bilicda caasimadaha sare loogu qaadayo.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow oo shirkaas ka qaybgalay ayaa xusay in ay ka dhaxleen wax badan oo khibrad wadaag ah iyo in sare loo qaado iskaashiga caasimadaha dalalka Islaamka.

Wasiirka Difaaca Mudane Cali Xasan Bahdon iyo Taliyaha Ciidanka Xooga Djibouti Sakariye Sheikh Ibrahim ayaan maanta xafiisyadooda ku booqday iyadoo ay ila socotay Maayeerada Djibouti Marwo Fatouma Awaleh Osman

Golaha Iskaashiga caasimadaha dalalka Islaamka ayaa xoghayaha guud ee ururka u doortay Faadumo  Cawaale Cismaan Maayarka caasimadda Jabuti oo shirkan martigalisay, taas oo ururka hogaamin doonta 2-da sano ee soo socota.

SHARE

Facebook
Twitter

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo Baydhabo ka daahfuray Shirka Madasha Arrimaha Bini’aadannimada

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Taliyaha Qeybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor oo la kulmay saraakiisha Guutada 17-aad ee XDS

Taliyaha Qeybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor, Gaashaanle Sare Saahid...

Danjiraha Soomaaliya ee Burkina Faso oo Xoojinaya Iskaashiga Ganacsiga iyo Maalgashiga

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Burkina Faso, Danjire...

Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda WHO oo Xoojinaya Iskaashiga Horumarinta Caafimaadka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...