Horjoogaha Alshabaab ee Degmada Jilib iyo Maleeshiyaad Xabsiga loo taxaabay ka dib dagaal ku dhaxmaray Jilib

Date:

Dagaalkan ayaa  u dhaxeeya Maleeshiyo ka wada tirsan Al shabaab waxaana u ka dhacay duleedka degmadda Jilib gaar ahaan wadada isku xirta Bu’aalle iyo Jilib.

Dagaalkan ayaa ka dambeeyay ka dib markii Garab ka tirsan Argagaxisada Al shabaab ay Jilib ku dileen Abuu Yoonis Al Misri oo u dhashay Dalka Masar iyagoo ku tuhmay inuu xiriir la leeyahay Argagaxisada Daacish, waxaana koox  Ajaaniibta katirsan ay ka xumadeen dilka loogeystay horjoogohada  waxaana ka careysiisay  kooxda dagaal la galeen Maleeshiyadii weerarka geysatay.

Dad Goobjoogayaal ah ayaa si hoose Warbaahinta Qaranka u  sheegay in Xaalada hada ay kacsan tahay, iyadoo Garabka Weerar ku qaaday Jilib ay xabsiga u taxaabeen 20-ka mid ah Dhagar qabayaasha Al shabaab oo ay ku jiraan Horjoogaha Degmada Jilib ee Argagaxisada iyo kuwa u qaabilsan Borobogandada iyo marin habaabinta Bulshada waxaana dhamaantood looga shakiyay inay ka tirsan yihiin Argagaxisada Daacish.

Sanadkii 2013 Bishii June 30-keedii sidan oo kale waxaa bartamaha Degmadda Baraawe kooxda Al-Shabaab waaxda Amniyaadka oo ka amar qaadanayay markaa hogaamiyihii la dilay ee Axmed Godane ay dileen Ibraahim Xaaji Jaamac Miicaad (Macallin Cali) iyo Cabdixamiid Xaashi Colhaye oo loo yaqaan (Macallin Burhaan) ragaan oo dilkooda bastolado loo adeegsaday xiliga salaadda cishe ayaa waxay isku dhaceen hogaamihii Al-Shabaab ee Godane.

Maleeshiyada Al shabaab ayaa caan ku ah khaarijinta Horjoogayaasheeda isugu jira Soomaalida iyo Ajaaniibta, iyagoo isku khilaafa dhaca iyo dilka Shacabka Soomaaliyeed, waxayna taasi keentay in Shacabka ay fahmaan ujeedka dhagar qabayaasha oo ah inay gumaadaam dad aan waxba galabsan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SoDMA oo sheegay in Soomaaliya u socoto dhanka nidaamyo xooggan oo ka jawaaba masiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle,...

Jaaliyadda Soomaalida ee Xadarmuut oo afur u sameeyay Safiirka Soomaaliya ee Yemen

Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Yemen C/Xakiim Maxamed Axmed...

Buulo burde oo ku soo baxday Tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

Degmada Buulo burde oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa...

Wasiirka xanaanada xoolaha oo qaabilay wafdi ka socda Hay’adda WFP

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, Mudane Xasan...