Garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar oo dayactir iyo qalabeyn u baahan

Date:

Muqdisho (SNTV);- Maareeyaha Garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabeelle Mudane Ibraahim Maxamed Cali oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay inuu dayactir iyo agab u baahan yahay Garoonka diyaaradaha ee magaalada Jowhar oo ah Garoon ay hoos yimaadaan dhammaan garoomada diyaaradaha ee ku yaalo Hirshabeelle.

Wuxuu sheegay Mudane Ibraahim Maxamed Cali in Garoonka diyaaradaha Jowhar uusan lahayn xeyndaab iyo dhismihii Garoon diyaaradeed loogu talagalay,isagoona Maamulka Heer Federaal iyo Dowlad Goboleed ka dalbaday in laga caawiyo dhismaha Garoonka si ula mid noqdo Garoomada kale ee ku yaalo dalka.

“ Garoonka baahidiisa intaa laguma soo koobi karo,waxa ugu horeeyo hadda Airport-ka malahan xeyndaab,labo, Airport-ka malahan dhismihii loogu talagalay,annigu markaan imaaday Garoonka waxaa ku yaalay labo qol laakiin rajadu waxay tahay inaan dadka tusno iney Airport-ka ayaga iska leeyihiin oo u baahan yahay ayaga caawinaadooda,” ayuu yiri Maareeye Ibraahim Maxamed Cali.

Sidoo kale,Mudane Ibraahim Maxamed Cali ayaa carabka ku dhuftay inuu bur bur xooggan ka muuqdo wadada isku xirta Garoonka diyaaradaha iyo magaalada Jowhar dhismaheedana wax badan oo dhanka horumarka garoonka ah uu ka caawinayo,wuxuuna sheegay Maareeyaha markii uu yimid xafiiska durba shaqadii ugu horeysay uu qabtay kuna guuleystay ay tahay in kuraasman loo helo Garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar.

Maareeyaha Garoonka diyaaradaha ayaa sheegay in hadda garoonka ay yimaadaan diyaarado rakaab sida usbuucii labo ilaa iyo saddex jeer,sidoo kalena ay ka shaqeeyaan diyaarado si gaar ah loo soo kireysto (Jets) iyo diyaarado ay leeyihiin Ciidamada AMISOM oo fariisin ku leh gudaha garoonka.

Ugu danbeyntii,Ibraahim Maxamed Cali ayaa ugu baaqay Maamulka Hirshabeelle,Dowladda Federaalka iyo cid kasta oo ay howshan quseyso in dayactir iyo qalabeyn lagu sameeyo garoonka si dhaqaalo badan looga sameeyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirada Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Qadar oo yeeshay kulan muhiim ah

Wasiirka Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Faahfaahin ka Bixiyay Qaraar ku Saabsan Khayraadka Dabiiciga ah oo uu Meel Mariyay Baarlamaanka West Virginia.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac,...

Buulo-burde oo u gudubtay wareegga afar dhamaadka ee Tartan cilmiyeedka Ramadaan

Degmada Buulo-Burde oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa u...

Wasaaradda Batroolka XFS iyo West Virginia oo Iska kaashanaya Sahminta iyo Soo Saarista Macdanta Muhiimka ah

Wasaaradda Batrolka iyo kheyraadka Macdanta XFS iyo Gobolka West...