Wasaaradda Warfaafinta Xukuumada Federaalka Soomaaliya oo daahfurtay Istraatijiyadda Wacyigelinta Qaranka

Date:

Muqdisho November 7 (SNTV):- Guddoomiyaha Aqalka sare ee dalka Wasiiro, Xildhibaanno iyo marti sharaf kale ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu daah furayay Istaraatijiyadda Wacyigelinta Qaranka, kaasi o ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka, Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Agasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaala ayaa sheegay in Istaraatiijiyadda Wacyigelinta Qaranka la soo waday muddo dhowr sano ah taasi oo ku timid daraasad ay Wasaaraddu sameysay oo ah waxyaabaha ay dadku u baahanyihiin in laga wacyigeliyo.

“Daraasadda waxaa ka soo baxay hal beegyo waa weyn, oo ah meelaha ay tahay in dadka Sooamaliyeed laga wacyigeliyo, farsamayaqaanada Wasaaradda waxa bileen xog arruurin, si loo qaabeeyo, waxaana bishii la soo dhaafay Golaha Wasiirada ay meel mariyeen Istraatijiyadda Wacyigelintå Qaranka oo aan rabno inaan maanta idinla wadaagno” ayuu yiri Agaasime Cadaala.

Qaar ka mid ah ururada bulshada rayidka ah ee madasha ka hadlay ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan daahfurka Istaraatiijiyadda Wacyigelinta Qaranka oo la joogteeyo wacyigelinta shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Drs Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa sheegtay inay tahay wax lagu farxo la dagaallanka jahliga iyo sidii bulshada loo siin lahaa wacyigelin guud.

Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha ee Xukuumadda Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in barnaamijka dadka lagu wacyigeliayo uusan ahayn kaliya mid dowladeed balse shacabka ay wax ku leeyihiin, iyadoo arrintaas ay hormuud ka tahay Wasaaradda Warfaafinta, loona baahanyahay in bulshada la fahamsiiyo ahmiyadda ay Nabadda iyo wacyigelintu leedahay.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Daahir Maxamuud Geelle ayaa hoosta ka xariiqay in barnaamijkan la soo waday waqti badan, isla markaana uu isagu ku soo aaday gunaanadkisa iyo meel marintiisa.

“Mas’uuliyiin iyo dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed ayaa ka soo shaqeeyay, meesha waxaa ugu muhiimsan Isqaadasho oo ah qodob aad u muhiimsan, qodobka kale waxa uu yahay, xagjirka , fikirka xagjirka ah waxa uu yahay in wiilasha dhallinyarada ee dhufeyska meesha qaldan kaga jira, inaan toosino iyaga oo aan la delin tusno inay qalad ku jiraan” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.

Guddoomiyaha  Golaha Aqalka sare ee dalka Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa sheegay in bulshada ay ka shaqeeyaan midnimada Ummadda, waxaana Madaxda Wasaaradda Warfaafinta ku bogaadinayaa inay xoojiyaan wacyigelinta bulshada.

“Waxaan Wasaaradda Warfaafinta u soo jeedinaaya inay xooga saaraan fanaaniinta Soomaaliyeed oo kaalin weyn ka qaadan karo wacyigelinta bulshada” ayuu yiri Mudane Cabdi Xaashi oo hadalkiisa ku daray “Soomaaliyeey aan ka shaqeyno midnimadeena iyo wadjirkeena oo aan taageerno hogaankeena, si aan u hiigsano himiladeena”

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Sawirro: NISA oo mid dishay, midna nolosha ku qabatay rag dil ka geysa rabay Muqdisho

Ciidamada Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA...

Madaxweynaha putland oo qaabilay safiirka dowladda ingiriiska ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi, ayaa maanta Qasriga...

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa kulan soo dhaweyn ah loogu qabtay Caasimada Helsinki ee waddanka Finland

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Maxamed Barre Maxamuud ayaa...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo kulan saagootin ah kula qaatay xafiiskiisa Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha QM u qaabilsanayd Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre,...