Madaxweyne Farmaajo oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha Dowladda Finland

Date:

Muqdisho (SNTV) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta warqadaha ka guddoomay Danjiraha Dowladda Finland ay u soo magacawday Soomaaliya Mudane Erik Lundberg.

Danjire Erik ayaa Madaxwweynaha Jamhuuriyadda u gudbiyey farriin uu uga siday Madaxweynaha dalkiisa Mudane Sauli Niinistö.

Xoghayaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Danjire Siciid Xaaji Maxamuud oo goobjoog ku ahaa munaasabaddan ayaa xusay taariikhda xiriirka labada dal iyo muuhiimadda ay leedahay in la dardar-geliyo iskaashiga saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Finland.

“Dalka Finland waxaan la wadaagnaa xiiir saaxiibtinimo oo ku suntan wakhtigii Soomaaliya ay xurriyadda qaadatay, maadaama ay ka mid ahaayeen dalalkii ugu horreeyey ee ictiraafa madaxbannaanideena. Sidoo kale waxa ay na garab taagnaayeen wakhtiyadii burburka iyagoo gacan ka gaysta ilaa haatan arrimaha caafimaadka, waxbrashada iyo gargaarka xaaladaha bini’aadantinimo.” Ayuu yiri Xoghayuhu.

Danjire Erik Lundberg ayaa uga mahadceliyey Madaxweyanaha Soomaaliya ka guddoomidda warqadahiisa aqoonsi ee Safiirnimo, isagoona tilmaamay in dalkiisa ay muhiim u tahay joogtaynta xiriirka labada iyo inuu noqdo mid ku salaysan iskaashi iyo xaqiijinta danaha labada shacab ee Finland iyo Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Booliska Soomaaliya oo xiray dhalinyaro ku Eedeysan qalqal-gelin amni

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan saldhigga degmada Hodan, ayaa...

Horjoogaal Khawaarijta ka tirsan oo lagu khaarijiyay howlgal laga fuliyay Gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgal qorsheysan ka sameeyay deegaanka...

Ra’iisul wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Soomaaliya oo Ka Qayb gashay Kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Hindiya iyo Carabta

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...