Ciidanka Xoogga dalka oo howlgal ku dilay lix ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab

Date:

Muqdisho (SNTV):- Ciidanka Xoogga dalka ayaa lix maleeshiyo oo ka tirsan Al-Shabaab ku dilay tiro kale oo badan ku dhaawacay deegaanka araara oo ku dhow degmada Jammaame ee Gobolka Jubbada Hoose.

Mukhtar Cabdi Maxamed, oo ah Taliyaha Ciidamada Maamulka Jubbaland ayaa u xaqiijiyay warbaahinta in ciidamada huwanta guul wax ku ool ah ay ka gaareen howlgal ka dhan ah aragagixisada Al-Shabaab oo Ciidanka Xoogga ay axadii fuliyeen.

“Lix ka tirsan argagixisada Al-Shabaab ayaa ku dhintay, qaar kalena wey ku dhaawacmeen aagga Araara, ciidamada SNA iyo kuwa ciidamada Jubbaland waxay la wareegeen 2 qori AK47 ah, dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa nagula dagaalamay aagga, laakiin ciidamada isgarabsanaya wax khasaaro ah ma soo gaarin”, ayuu yiri Taliye Mukhtar Cabdi Maxamed.

Ciidamada isgarabsanaya ee Xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland ayaa ku raad jooga kooxda nabad-diidka Al-Shabaab.

Ciidamada Mareynkanka ayaa sabtidii la soo dhaafay afar ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab ku dilay duqeyn ay deegaan ku dhow degmada Jammaame ee Gobolka Jubbada Hoose ka fuliyeen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....