Madaxa xukuumadda Galmudug oo soo dhaweeyay Gogosha Madaxweyne Farmaajo u fidiyay Dowlad Gobaleedyada

Date:

Muqdisho (SNTV)-Madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa sheegay in Galmudug ay soo dhawayneyso gogoshii Madaxweyne Farmaajo u fidiyay maamul goboleedyada, si loo soo afjaro khilaafka.

Warqad Qoraal ah oo Xalay ka soo baxday Xafiiska Madaxa Golaha Wasiirada Galmudug ayaa lagu sheegay in Maamulku uu Taageerayo soona dhawaynayo Baaqii Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Maxamed ee ahaa in laga soo qaybgalo Gogosha ka fidsan Muqdisho taasoo lagu xalinayo Tabashooyinka Maamul Goboleedyada Dalka.

Sidoo kale waxaa lagu sheegay Warqada in Galmudug aqoonsan tahay Jiritaanka Dawladnimada iyo Madaxda Qaranka sidoo kalana uu Maamulku ka qaybqaadan doono Xalinta Maamulada wax tabanaya.

Dhinaca kale War-saxaafadeedkan ayaa waxa uu qeexayaa in Muhiim ay tahay in Meel looga soo wada jeesto la dagaalanka argagaxisada Al-shabaab sidoo kalana aan la hilmaamin 14kii October oo Maalintii Nabadiidku Xasuuqay Shacabka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...