Golaha Wasiirrada XFS oo Ansixiyay Miisaaniyadda Dowladda ee 2019.

Date:

Muqdisho (SNTV):-Golaha wasiirrada Xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Muqdisho waxa ay ku ansixiyeen miisaaniyadda dawladda ee sannadka 2019 oo dhan US$ 340,060149 (Sedax Boqol iyo Afartan Milyan, Lixdan Kun Boqol iyo Afartan iyo Sagaal Doolar)

Wasiirka maaliyadda XFS, Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, ayaa sheegay in kulanka golaha oo uu guddoominayay ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre si aqlabiyad leh loogu meel mariyay miisaaniyadda oo ka badan Miisaaniyaddii sannadkii hore oo ahayd 274.6 Milyan.

Wasiirka ayaa sheegay  in ilaha laga helayo dhaqaalaha miisaaniyadda loo qorsheeyay 2019 ay ugu wayntahay dakhliga gudaha laga soo aruuriyo, waxa uuna u mahadceliyay shacabka Soomaaliyeed oo dawladda kala shaqeeyay canshuur aruurinta si loo gaaro isku filnaansho dhaqaale.

Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa miisaaniyadda ay maanta ansixisay waxa ay u gudbinaysaa golaha sharci dejinta dalka si ay u meel mariyaan.

Dawladda ayaa dhaqaalaha loogu tala galay miisaaniyadda 55.8% (189.9 Milyan) ka filaysa gudaha, 44.2% (124.6 Milyan) waxaa ay ka imaanaysaa deeqaha dawladda la siiyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal guuleystay ku xoreeyay...

Ciidamada Qaranka oo gudaha u galay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo howlgallo ka dhan ah Khawaarijta...

Wasiirka Qoyska XFS oo khudbad ka jeedisay Shirka Haweenka Adduunka ee New York

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa...

Guddoomiyaha SoDMA oo sheegay in Soomaaliya u socoto dhanka nidaamyo xooggan oo ka jawaaba masiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle,...