Golaha shacabka oo maanta ka dooday Xeer hoosaadka Golaha

Date:

Muqdisho (SNTV);- Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah kulan ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Kulanka oo ahaa kii 19-aad ee kalfadhiga 4-aad ayaa waxaa soo xaadiray 140 Xildhibaan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa kulanka shir guddoominaayay,sidoo kale waxaa goobjoog ahaa Guddoomiye ku0xigeenka labaad ee Golaha Shacabka mudane Mahad Cabdalla  Cawad.

Xildhibaanada golaha shacabka ayaa qodob qodob kaga dooday xeer hoosaadka Golaha Shacabka oo wax ka badal iyo ku daris lagu sameeyay.

Guddiga xeer hoosaadka, anshaxa, xasaanada iyo daryeelka ee Golaha Shacabka ayaa xildhibaanada mar kale horgeeyay xeer hoosaadka qodob walbana sharaxaad ka bixiyay.

Xildhibaanada ayaa ka dooday qodobada qaar ee ku jira xeer hoosaadka golaha, waxaana xildhibaanda qaarkood ay soo jeediyeen in aad loogu fiirsado ansixinta qodobada xasaasiga ah ee ku jira xeerkan.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka mudane Mahad Cabdalla Cawad oo kulanka soo xeray ayaa sheegay in dooda ay sii socon doonto, xildhibaanada talooyinka u dhiman yihiina la dhameystiri doono.

“ Mudanayaal waqtiga aan sharciga u lahayn ka badan ayaa maanta shaqeynay, waana idiin kaga mahad celinaya sida wanaagsan ee aad dooda ugu qeyb gasheen iyo sida aad usoo bandhigteen talooyinkiina, runtii wax ka badal xeer hoosaad ma ahan howl yar dooduna way noo sii socon doontaa si xeer lagu wada qanacsan yahay aan iskula ansixino”. ayuu yiri guddoomiye Mahad.

Dhanka kale xildhibaanada ayaa loo qeybiyay hindise sharciyeedka hay’adda naafada Qaranka Soomaaliya oo aqrintiisa labaad mari doono.

Sidoo kale waxaa loo qeybiyay mashruuc sharci ku saabsan xuquuqda liil tirka (dheyma nololeedka) siyaasiyiinta dowladda federaalka Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Habmaamuuska Qaranka oo Guddoomay Nuqullada Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Brazil

Agaasimaha Habmaamuuska Qaranka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga...

Hawlgal ka dhacay Hiiraan oo lagu dilay 25 ka tirsan Khawaarijta, iyo afar horjooge oo isku soo dhiibay CXDS

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Saaxiibbada Caalamka, ayaa...

Kulan lagu soo bandhigayay Mashruuca Bulsho oo lagu qabtay magaalada Baydhabo

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta...

Soomaaliya oo aragtideeda horumarineed ku soo bandhigtay Maalinta Afrika

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale adkeysay doorkeeda ku...