Golaha shacabka oo maanta ka dooday Xeer hoosaadka Golaha

Date:

Muqdisho (SNTV);- Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah kulan ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Kulanka oo ahaa kii 19-aad ee kalfadhiga 4-aad ayaa waxaa soo xaadiray 140 Xildhibaan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa kulanka shir guddoominaayay,sidoo kale waxaa goobjoog ahaa Guddoomiye ku0xigeenka labaad ee Golaha Shacabka mudane Mahad Cabdalla  Cawad.

Xildhibaanada golaha shacabka ayaa qodob qodob kaga dooday xeer hoosaadka Golaha Shacabka oo wax ka badal iyo ku daris lagu sameeyay.

Guddiga xeer hoosaadka, anshaxa, xasaanada iyo daryeelka ee Golaha Shacabka ayaa xildhibaanada mar kale horgeeyay xeer hoosaadka qodob walbana sharaxaad ka bixiyay.

Xildhibaanada ayaa ka dooday qodobada qaar ee ku jira xeer hoosaadka golaha, waxaana xildhibaanda qaarkood ay soo jeediyeen in aad loogu fiirsado ansixinta qodobada xasaasiga ah ee ku jira xeerkan.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka mudane Mahad Cabdalla Cawad oo kulanka soo xeray ayaa sheegay in dooda ay sii socon doonto, xildhibaanada talooyinka u dhiman yihiina la dhameystiri doono.

“ Mudanayaal waqtiga aan sharciga u lahayn ka badan ayaa maanta shaqeynay, waana idiin kaga mahad celinaya sida wanaagsan ee aad dooda ugu qeyb gasheen iyo sida aad usoo bandhigteen talooyinkiina, runtii wax ka badal xeer hoosaad ma ahan howl yar dooduna way noo sii socon doontaa si xeer lagu wada qanacsan yahay aan iskula ansixino”. ayuu yiri guddoomiye Mahad.

Dhanka kale xildhibaanada ayaa loo qeybiyay hindise sharciyeedka hay’adda naafada Qaranka Soomaaliya oo aqrintiisa labaad mari doono.

Sidoo kale waxaa loo qeybiyay mashruuc sharci ku saabsan xuquuqda liil tirka (dheyma nololeedka) siyaasiyiinta dowladda federaalka Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Sawirro: NISA oo mid dishay, midna nolosha ku qabatay rag dil ka geysa rabay Muqdisho

Ciidamada Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA...

Madaxweynaha putland oo qaabilay safiirka dowladda ingiriiska ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi, ayaa maanta Qasriga...

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa kulan soo dhaweyn ah loogu qabtay Caasimada Helsinki ee waddanka Finland

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Maxamed Barre Maxamuud ayaa...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo kulan saagootin ah kula qaatay xafiiskiisa Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha QM u qaabilsanayd Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre,...