Kuweyt oo Beesha caalamka uga baaqday inay taageeraan Soomaaliya

Date:

Muqdisho (SNTV):- Dowladda Kuweyt  ayaa bulshada caalamka ugu baaqday inay taageero siyaasadeed iyo mid maadi ah u fidiyaan Soomaaliya oo iminka mareyso marxalad ay kaga soo kabaneyso dagaaladii sokeeye.

Baaq  ayaa ka dambeeyay kadib markii, Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha dibadda dalkaasi una qaabilsan arrimaha ururada Dowliga  ah Nasir Alheyn uu hadaal ka jeediyayShirka Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Golaha Iskaashiga Islaamka (OIC) oo manta  lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Wuxuu wasiirku intaa raaciyay inuu dalkiisa kuweyt waxba kala haraynin  dadaalka loogu jiro sidii loo sugi lahaa amniga Soomaaliya,isagoo la kaashanaya saaxiibadiisa, iyadoo la raacayo qaraarkii tirsigiisu ahaa 145 oo ka soo baxay kulankii 45-aad ee Golaha wasiirada ururka Iskaashiga Islaamka ee la xiriirtay xaalada Jamhuuriyada Soomaaliya iyo sidii loo taaba gelin lahaa hadafka  ay hiigsaneyso ee dhanka horumaarka ah.

Wuxuuna Wasiirka cadeeyay in hadafkaasi oo dowr weyn ka qaadanayo xaqiijinta himilada Soomaaliya iyo sidii ay ula jaanqaadi laheyd caalamka,wuxuuna intaa raaciyay in dalkiisa uu martigelin doono mustaqbalka dhow shirka dalalka deeq-bixiyeyaasha ee Waxbarashada Soomaaliya,taasi oo kaalin weyn ka qaadaneysa horumarka xasiloonida, waxbarashada, faafinta luqada carabiga iyo hirgelinta manhajyo waxbarasho  ka fog afkaarta xagjirnimada ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Hawlaha Guud XFS oo safar shaqo ku jooga Nairobi ayaa la kulmay madaxda Bangiga Aduunka

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta...

Xamarweyne,Boondheere iyo Shibis oo saakay looga dareeray diiwaangelinta codbixiyaasha

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka gaar ahaan Degmooyinka Xamarweyne,...

Safiirka Soomaaliya ee dalka shiinaha oo Ka Qayb gashay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Luqadda Shiinaha

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, Dr. Hodan Osman...

Ciidanka Daraawiishta Puntland oo fashiliyey weerar khawaarijta Daacish ku soo qaadeen fariisimo Ciidanka ku lahaayeen buuraha G/Bari

Ciidanka Daraawiishta dowlad gobolleedka Puntland ayaa aroornimadii hore ee...