Hay’adda Qatar Charity oo kafaalo qaaday nololsha 350 kamid ah agoonta qarixii Soobe

Date:

Muqdisho (SNTV) Caruurtan oo tiradoodi gaaraysa ilaa 350 ayaa kamid ah boqolaal caruur ah oo ku agoontoobay qarixi 14 Oct ka dhacay Isgoyska Soobe,kuwaasi oo ay noloshooda iyo waxbarashadooda ay ka faalo qaaday dowlada Qatar,kadib munaasabad ay ka qeybgaleen guddoomiyaha gobolka iyo Wasiiro iyo kuxigeenka safiirka Dowladda Qatar ee Soomaaliya oo ka dhacday magaalada Muqdisho.

C/nuur Xaaji Cali Mursal oo ah madax Hay’adda Qatar ee Soomaaliya ayaa goobta ka faah faahiyay daryeelka nololeed oo ay dowladda Qadar u fidinayso agoontani.

“Hay’adda Qadar Charity halkaasi ugama harin howlihii gurmadka Qarixii Soobe,500 oo caruur ah ayay horey u kafaalo gaaday,kuwaasi oo kamid ah agoontii 14 Oct,waxaan manta halkani aan u joognaa in aan siino lacagihii loo balanqaaday agoontaasi ,sidoo kale waxaan u sameyndoonaa daryeel nololeed waxbarashadooda,caafimaadkooda,ilaa ay ka qaan gaaraan hadii ay weynaadaan waxaan u raadinaynaa waxbarasho Jaamacadeed”.Ayuu yiri Cabdi Nuur Xaaji Cali

Wasiiradii ka qeybgalay munaasabadda ayaa sheegay in dhankooda ka Xukuumad ahaan dadaal u gali doonaan sidii oo garab istaagi lahaa caruurta agoonta Soomaaiyeed,waxaana kamid ah mas’uuliyiintaasi C/llaahi Xaamud Wasiiru Dowlaha Xafiiska raiisul Wasaaraha iyo C/rashiid Axmed Maxamed Wasiirka Macdanta iyo Patroolka Xukuumadda Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in dhamaan laga wada qeyb qaato sidii loogu gurman lahaa caruurta agoonta Soomaaliyeed,sidoo kale gudoomiye Yariisow waxaa uu sheegay in loo baahanyahay in meel looga soo wada jeesto dibaatooyinka koxda Alshabaab.

Muddo hal sano ayaa ka soo wareegatay markii maleeshiyada Alshabaab ay qarax bahalnimo ah ay ka geysteen isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho,kaasi oo sababay in ay agoontoobaan boqolaal caruur ah,dhacdadaasi ayaan noqotay mid dareen xanuun badan ku beerto umadda Soomaaliya.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo Furay Kulanka Wadatashiga Siyaasadda Qaran ee Maareynta Khataraha Isticmaalka Khaldan ee Warbaahinta Bulshada

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Magacaawday xubnaha guddiga farsamo ee dhameystirka Maamulka SSC-Khaatumo

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Faderaalka iyo Dib u heshiisiinta...

Guddiga Qaban-qaabada Todobaadka Xorriyadda oo qabtay xaflad lagu abaal-marinayo xubnihii ka qeyb qaatay dabaal-degyada

Guddiga Qaran ee Qaban-qaabada Toddobaadka Xorriyadda ee soo agaasimay...

Wasiirka arrimaha guddaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Isu Duwaha QM ee Arrimaha Gargaarka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan...