Agaasimaha Guud ee Hay’adda NISA oo xilkii iska casilay

Date:

Muqdisho (SNTV);– Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka Soomaaliya  (NISA) Mudane  Xuseen Cusmaan Xuseen ayaa iska casilay xilka agaasimaha Hay’adda,isagoona warqadiisa iscasillaada u gudbiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

“Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka Soomaaliya  (NISA) Xuseen Cusmaan Xuseen ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 13/10/2018,sababo isaga u gaar ah owgeed waraaqihiisa iscasilaada u gudbiyey Mdaxweynaha JFS,” ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay Barta Twitterka Hay’adda NISA.

Xuseen Cusmaan Xuseen ayaa Xilka Taliyaha Nabad sugida loo magacaabay 19/2/2018,markaasi oo ay Golaha Wasiirada ay meel mariyaan magacaabista Taliyeyaasha Nabad sugida,Booliska iyo Ciidanka Asluubta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay...

Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...