Safiirka Soomaaliya ee Itoobiya oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo laga gudoomay

Date:

Addis Ababa (SNTV): โ€“ Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Itoobiya, Mudane Cali Shariif Axmed, ayaa nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo u gudbiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda, Mudane Dr. Workneh Gebeyehu.

Kulanka oo diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka, ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya waxa uu sheegay in ay jirto yididiillo lagu xoojinayo xiriirka laba geesoodka ee u dhexeeya laba dal ee walaalaha ah ee leh taariikh fog si looga dhabeeyo rabitaanka labada shacab ee Soomaali iyo Itoobiya.

Dhankiisa, Danjire Cali Shariif ayaa boggaadiyay xiriirka xooggan ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya iyo rabitaanka guud ee labada dhinac ee lagu qoto dheereynayo xiriirka iyo iskaashiga oo dhinacyo kasta leh.

Mudane Cali Shariif ayaa sidoo kale gudbiyay farriin salaan ah uu ka siday Wasiirka Arrimaha Dibadda, Xukuumadda iyo dhammaan heyโ€™adaha dowladda oo ku socotay Dowladda iyo Shacabka Itoobiya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta oo gaaray magaalada London.

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Al-Cadaala, ayaa...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...