Laba Milyan oo Doollar oo loo diyaariyay Fulinta Qorshayaasha ugu Horreeya Barnaamijka Is-xilqaan

Date:

Muqdisho October 11 (SNTV):-Shir ay golaha wasiirada Xukuumada Federaalka Soomaaliya  ay maanta Muqdisho ku yeesheen ayaa looga dooday dardar-gelinta barnaamijka is-xilqaan oo lagu dhisayo xarumaha danta guud iyo wadooyinka si loo soo nooleeyo bilicda dalka iyo haybadda qarannimo.

Wasiiru dawlaha xafiiska ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Cabdullaahi Maxamuud Xaamud oo ka war bixiyay qodobadii shirka looga hadlay ayaa sheegay in ganacsatada Soomaaliyeed ay ku hawlanyihiin bixinta qayb kamid ah hantidooda si ay uga qayb qaataan fulinta dhammaaan qorshayaasha lagu xusay Barnaamijka is-xilqaan, loogana maarmo kaalmo shisheeye.

Wasiir Xaamud ayaa sheegay in gacanta lagu hayo laba milyan oo dollar oo ay bixiyeen mawaadiniin Soomaaliyeed, laguna billaabayo dhismaha Madxafka oo todobaadka soo socda dhismihiisa uu dhagax dhigayo madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) .

Dawladda Soomaaliya oo dardar-gelinaysa soo kabashada dawladnimada, adkaynta midnimada iyo kou u qaadidda karaamada ummadda Soomaaliyeed ayaa Barnaamijka Is-xilqaan ugu tala gashay in lagu dhiso dhammaan xarumaha danta guud iyada oo la adeegsanayo hantida, waqtiga iyo quwadda ummadda Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...