SAWIRRO.Xildhibaano dhiiri gelin ugu tagey dad iskood ula dagaalamay Shabaab.

Date:

Dhowr mudane oo katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa booqasho dhiirigelin ah ku tagey islamarkaana deeq raashin ah gaarsiiyay dadka deegaanka Guullane oo si iskood ah isku abaabulay islamarkaana dagaal kala soo hor jeeda maleeshiyada Shabaab oo ay dhowr dagaal la galeen.

Maxamed Axmed oo ku hadlayay magaca ciidamada deegaanka ee is abaabulay ayaa xubnahan warbixin ka siiyay dagaaladii ay la galeen Argagaxisada iyo sida uu abaabulkoodu ku bilowday.

Xubnahan ayaa waxaa socdaalkooda ku wehlinayay mas,uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle oo ballan qaaday iney ku taageerayaan dagaalka ka dhanka ah Argagaxisada iyagoo ku dhiiri geliyay ineysan ka niyad jebin sii wadistiisa,sida uu sheegay Cusmaan Xaadoole oo ah wasiiru dowlaha gaadiidka Badda ee Hirshabeelle.

Xildhibaan C/qaadir Carabow oo ka mid ah xubnaha deeqdan raashinka ah gaarsiiyay ayaa sheegay in dowladda federaalku gacan ku siin doonto sidii ay kooxaha argagaxisada ah uga xoreyn lahaayeen dhamaan deegaanada u dhow degmada Aadan Yabaal ee gobolka Sh/dhexe.

Xildhibaan Maxamed Axmed Abtidoon oo isna goobta ka hadlay ayaa ku tilmaamay isku day loo baahnaa oo waqtigiisa kusoo beegmay waxa uuna xusay in dagaalkan uu gaari doono ilaa gobolka Mudug qeybaha ay Al Shabaab ka joogaan.

Dadkan oo xoolo dhaqato u badan ayaa bilaabay abaabulkan kadib markii ay Shabaab joogteeyeen xoolo boobid iyo cadaadis joogto ah iyadoo xiisado arintaasi ka dhashay lagu dilay dhowr iyo toban katirsan maleeshiyada Shabaab.

 

Qore.Bashiir Gaani.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...