Guddoomiyaha Aqalka sare oo Xafiiskiisa ku qaabbilay Amb,Nicholas Haysom

Date:

Muqdisho-(SNTV)-Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdilaahi ayaa Xafiiskiisa ku qaabbilay Wakiilka Cusub ee Xoghayaha Qaramada-midoobay Somaaliya, Nicholas Haysom.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii ay u wada shaqayn lahayeen Xafiiska Qaramada midoobay ee Soomaaliya iyo Aqalka Sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

Xoghayaha guud ee Golaha alAqalka sare ee Baarlamaanka federaalka soomaaliya mudane Cali Maxamed Jaamac ayaa kulanka markuu soo gaba gaboobay Warbaahinta qaranka u sheegay in kulan uu ahaa isbarasho iyo sidii ay u wada shaqayn lahaayeen Xafiiska Qaramada midoobay ee Soomaaliya,isagoo intaa ku daray inay jiri doonaan kulamo kale oo golaha aqalka sare iyo xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ay yeelan doonaan.

Waxaa sidoo kale ka qaybgalay kulanka Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Aqalka Sare , Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari) iyo hab-dhowraha guud ee Golaha, C/kaafi Macallin Xasan.

Ergeyga Cusub ee Xoghayaha Qaramada-midoobay u qaabbilsan Somaaliya, Nicholas Haysom, ayaa dhawaan soo gaaray Magaalada Muqdisha, isagoo sidoo kale kulamo la qaatay Madaxda ugu sarreeysa Qaranka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya oo Qatar kulan kula yeeshay Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Gudaha.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Madaxweynaha JFS oo qadka teleefanka ugu hambalyeeyay dhiiggiisa dalka Uganda.

Muqdisho, Jannaayo 21, 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka qaybgalay Shir-weyne ku Saabsan Nidaamka Federaalka.

Muqdisho, Janaayo 21, 2026: Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna...

Golaha Shacabka ee BFS oo Ansixiyay Heshiiska Dhismaha Urur Goboleedka IGAD.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...