Jubbaland oo Tababar usoo xirtay Ciidamo si gaara loo Tababaray

Date:

Muqdisho  (SNTV) Taliska Ciidanka ilaalada Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa soo saaray Dufcadii Afaraad oo si gaara loogu tababaray ilaalinta Madaxtooyada iyo ka Hortaga Cadowga.

Cutubkan ayaa loo tababaray hubka culus, ka hortaga cadowga, ilaalinta Madaxda iyo Xaaladaha deg dega, waxaana Maamulka Jubbaland uu dadaal ugu jiraa sare u qaadida Tayadda iyo Aqoonta ciidammada kala duwan.

Dhamme Axmed Bashiir Dhaga cade oo kamid ah Tababarayaasha soo saaray ciidankan gaarka ah ayaa sheegay ay wax badan kusoo kordhin doonaan Amniga, lana sii wadi doono Tababarada la siiyo Ciidammada Qalabka sida ee Jubbaland si guul looga gaaro Dagaalka Dowlada dhexe iyo Maamulada hoostaga ay kula jiraan Argagaxisada Al shabaab.

Ciidammada Jubbaland iyo kuwa Xoogga Dalka ayaa Howlgalo deegaano dhowr ah looga sifeeyay Cadowga Umadda Soomaaliyeed ee Al shabaab waxay ka wadaan Jubbooyinka iyo Gedo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo kulan la qaatay madax iyo siyaasiin heer qaran ah

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo Guddi Xildhibaano ah magacaabay

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Golaha shacabka oo ansixiyey gudidda xuquuqal insaanka Qaranka

Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ayaa cod Aqlabiyad leh...

Guddiga Garsoorka ee aqalka sare oo yeeshay kulan gaar ah

Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka...