Wasiirka Gaashaandhigga XFS iyo Taliyaha XDS oo tababar u xiray Saraakiil iyo Saraakiil xiggeeno

Date:

Muqdisho (SNTV)- Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Mudane Xasan Cali Maxamed iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka S/gaas Daahir Aadan Cilmi ayaa maanta tababar u xiray Ciidan isugu jira Saraakiil iyo Saraakiil xigeeno oo Muddo hal sano ah tababar ku qaatay gudaha Dugsiga tababarka Turkisom ee magaaladda Muqdisho, waxaana maanta loo dhaariyay Ciidankaasi kamid noqoshada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Munaasabadda dhaarinta ayaa waxaa ku sugnaa Safiirka dawladda Turkey ee Soomaaliya, Wakiilo ka socday Ciidanka Xoogga Turkiga, Saraakiil iyo Madax ka socday Wadamada Caalamka iyo qaar kamid ah Ehelada Ciidanka maanta tababarka loo  xiray, si ay ula qeybsadaan Farxadda.

Ciidankaan ayaa muddadii tababarka uu u socday waxaa la baray Casharo kala duwan oo ay ka mid yihiin, Sharciyadda Ciidanka Xoogga dalka, Habka dagaalka oo Baraatiko ay la socoto iyo Xogta Milatariga, si kor loogu qaado Xirfadooda.

Taliyaha Dugsiga tababarka ciidanka ee TurkSom S/guuto Cumar Faaruuq ayaa sheegay in saraakiishaan maanta la dhaariyey ay isugu jiraan Ciidamada Cirka, Badda iyo Dhulka, waxaana uu xusay ay qaateen tababaro kala duwan oo heer sare ah.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed S/gaas Daahir Aadan Cilmi indhaqarshe oo Munaasabadda ka hadlay ayaa ugu horeyn u hambalyeeyey Saraakiisha cusub ee tababarka loo xiray, waxaana uu tilmaamay in ciidanka xoogga dalka uu dhismayo, isla markaasna hadda uu ku jiro ciribtirka Maleeyshiyada Kooxda arxanka darran ee Al-shabaab.

Wasiirka Wasaaradda Gaashandhigga Xukuumada federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Maxamed ayaa uga mahad celiyay dawladda Turkiga sida ay uga qeyb qaadaneyso dhismaha iyo qalabeynta Ciidanka Xoogga dalka.

Dhinaca kale Saraakiisha Dugsiga tababarka Ciidanka ee TurkSom, ayaa sheegay in dhawaan Imtixaano ay qaadeen inay ka gudbeen 185 Arday oo loo qaatay in loo tababaro Leyli Saraakiil iyo Saraakiil Xiggeeno.


 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Booliiska oo xariga ka jaray Dugsiga Qur’aanka ee Carruurta Agoonta

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi...

Hantidhowraha Guud ee Qaranka oo ka qeybgalay Barnaamijka Hindisaha Xirfadda Hal-Abuurka Sare

Hantidhowraha Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Abukaate Axmed Ciise...

Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka oo yeeshay kulankoodii Toddobaadlaha ahaa

Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka oo yeeshay kulankoodii...

Ra’iisul Wasaare Xamse oo dhagax dhigay Xarunta Wasaaradda Beeraha dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...