Wasiirka Howlaha Guud oo Golaha Shacabka ka hor akhriyey naqshadeynta Magaalooyinka

Date:

Muqdisho (SNTV) Kulanka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya kulankiisa 11-aad kalfadhiga 4-aad ee golaha shacabka BJFS ayaa ka dhacay xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho.

Kulankan oo uu shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa waxaa soo xaadiray 151 xildhibaan, iyadoo Ajendaha kulanka uu ahaa aqrinta koowaad ee hindise sharciyeedka nidaaminaya naqshadeynta magaalooyinka, hormarinta iyo maamulka dhul

Wasiirka Wasaarada howlaha guud ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xildhibaan C/fitaax Geeseey ayaa xildhibaanada ka hor akhriyey hindise sharciyeedka nidaaminaya naqshadeynta magaalooyinka, hormarinta iyo maamulka dhulka oo ay wasaaradiisu soo diyaarisay, iyadoo qaar kamid ah xubnaha Golaha Shacabka ay su’aalo ka weydiiyeen Wasiirka hindisa sharciyeedkan, waxaana la soo gaba-gabeeyay Akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedkan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee JFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in hindise  loo gudbin doono gudiga uu quseeyo si uu ula kaashado Wasaarada howlaha guud.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...