Soomaaliya oo ka qeyb gashay shir ku saabsan horumarinta Iskaashatooyinka iyo Ganacsiga xorta ah

Date:

Muqdisho (SNTV):– Shirka 12 aad ee  Iskaashatooyinka iyo horumarinta Ganacsiga xorta ah ayaa ka socda magaalada Abuja ee Caasimada Nigeria, waxaana Soomaaliya ku matalay shirkan Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Soomaaliya Daahir Cabdi Cabdullaahi (Dr GO)

Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalaya Wasiirada ay hoos yimaadaan iskaashatooyinka Afrika kuwaas oo kasocda 27-wadan oo ku bahoobay Iskaashatooyinka Afrika iyo 18 dal oo korjoogta ka ah , Waxaan inta badan Wadamada Shirkaasi ka qeyb galayo ay yihiin kuwa ku jira Suuqa Xorta ah ee Bariga iyo Bartamaha Afrika (COMESA).

Wasiiru Dowlaha Ganacsiga iyo Wershadaha Dowladda Federaalka ah ayaa sheegay in Soomaaliya ay shirkaasi la tagtay qorsheheeda ku aada is hormarinta iskaashatooyinka iyo ka qeyb qaadashada Ganacsiga xorta ah isagoo sidoo kale Wasiirku la kulmay qaar kamid ah Wasiirada dhigiisa ah ee shirka ka qeyb galayay kuwaas oo ay isku afgarteen hirgalinta iskaashi dhanka Ganacsiga ah oo ay la yeeshaan Soomaaliya.

Bishii July ee sanadkan ayaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre waxa uu magaalada Lusaska ee dalka Zambia ku saxiixay in Soomaaliya ay ku biirto suuqa xorta ee bariga iyo Bartamaha Afrika ee COMESA waxaana la rumeysan yahay in Soomaaliya ay faa’iido wey ugu jirto ku biiritaankaasi maadaama ay heli dooonto suuq ay geyso badeecadaha iyo Wax soosaarka Soomaalida.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Yeman

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan is xogwareysi ah la qaatay Agaasimaha Guud iyo Agaasimayaasha Waaxyaha

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS Mudane...

Madaxweynaha JFS “Dastuurka dhaqangalkiisa waa bilowday, dhowaana waa la kala sarayaa Baarlamaanka iyo XFS.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Howlgal jab xooggan lagu gaarsiiyay khawaarijta oo ka dhacay Gobolka Hiiraan

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya...