Soomaaliya iyo Sacuudiga oo heshiis kala saxiixday

Date:

Muqdisho (SNTV):- Wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Dowladda Federaalka Soomaaliya H.E  Mohamed Abdullahi Salaad (Oomaar) ayaa Dalka sucuudida ugu qeyb galay Shirka Aasaaska Amniga Hawada Dawladaha Carabta (Regional Aviation Safety Oversight Organisation) kaasoo ay dowladaha xubnaha ka ah ay iska kaashanayaan bad-qabka dayuuradaha isticmaala hawooyinkooda.

Wasiirka oo Kulamo gar gaar ah la yeeshay Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Saudi Arabia Nabeel bin Mohammed Alamudi iyo  madaxa Shirkadda Saudi Airlines ayaa kulankooda uga hadlay iskaashi labada dal ee dhinaca Duulista.

Mohamed Abdullahi Salaad Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS iyo  Wasiirka Gaadiidka ee  Boqortooyada Saudi Arabia  Nabeel bin Mohammed Alamudi ayaa ugu dambeyn labada dowladood u kala saxiixay heshiis ku saabsan iskaashi dhinaca duulista Hawada labada wadan.

Dowladda Sucuudiga ayaa kamid ah wadamada taageera Soomaaliya,waxaa sidoo kale ay kamid tahay wadamada xiriirka dhinaca Diplomaasiyadda la leh Dalka Soomaaliya,kaasi oo ahaa mid soo jireen ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxda Warfaafinta Hirshabeelle oo tacsi u diray Agaasimaha Guud ee Warfaafinta

Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle, oo ay hormuud ka...

Shiinaha oo si adag uga soo horjeestay damaca Israa’iil ee Somaliland

Dowladda Shiinaha ayaa maanta oo Isniin ah ku biirtay...

Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka

In ka badan 21 dal iyo Ururo ah heer...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo xalay ka dhacay Muqdisho

Banaanbax ka dhan ah xadgudubka ay Israa’iil ku sameysay...