Xaaska Madaxweynaha Mareykanka oo Socdaal kumareysa Qaar kamid ah wadamada Africa

Date:

Muqdisho October 2 (SNTV):- Safarkeeda kuma wehliya ninkeeda, laakin hooskiisa ayaa la socda, sida ay qortay wakaaladda wararka AFP.


Mrs. Melania ayaa tagi doonta waddamada Ghana, Malawi, Kenya iyo Masar, iyadoo dib ugu laaban doonta Washington October 7, waa safarkeedii ugu horreeyey ee caalami ah oo Afrika ku timaado.


Dooddo iyo hadal heyn badan ayaa hareeyey safarkeeda Afrika haweeneydan 48-jirka ah,


Waxaa kaloo la lee yahay waxaa ka caansan marka laga hadlayo Afrika Michelle Obama xaaska madaxweynihii horre ee Mareykanka oo dhowr jeer safar ku imaatay Qaaradan Afrika.


Diyaarad ay lee dahay dowladda Mareykanka ayey ku safreysaa Melania, taasoo galabnimadii Isniintii u soo qaaday Afrika.


Waxaa la sheegayaa in safarkeeda iyo meelaha ay booqanayso la jadwaleeyey, waxaana ku baxaya kharash badan, waxaa la socda diblomaasiyiin iyo dad ku xeel dheer dhaqamada iyo taarikda waddamada ay booqaneyso.


Sidoo kale, saraakiil gaar ah ayaa loo xil saaray ammaanka haweeneydan kuwaasoo la socon doona meelaha ay booqanaeyso sida iskuulada iyo isbitaalada carruurta, halkaasoo ay rabto in ay ka soo qaadato dhaqanka gobalka.


Hadal ay toddobaadkii horre ka sheetay magaalada New York, ayaa Mrs Trump ku sheegtay in ay jeceshay quruxda Afrika iyo dadkeedaba, iyadoo hadalkeeda intaas ku dartay in ay sii wadi doonto taageerada carruurta gaar ahaan in ay ka taageerto fayoqabka meelaha ay ku nool yihiin.


Mrs. Trump ayaa sheegtay in ay diiradda saari doonta daryeelka caafimaadka iyo waxbarashada, waxaana ku wehliya safarkeeda saraakiil ka socda hey’adda kaalmada Mareykanka ee USAID si ay u arkaan barnaamijyada ay ka shaqeynayaan sidii ay u taageeri lahaayeen waddan kasta.


Stephanie Grisham, Agaasimaha isgaarsiinta Mrs Trump, ayaa u sheegay CNN in safarka Manilia uuu ugu muhiimsan uu yahay booqashadeeda diblomaasiyadeed iyo mid bini’aadanimo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...