Wasiirka Awqaafta & Arrimaha Diinta XFS oo la Kulmay Madaxda Jaamacadda Ondokuz

Date:

Wasiirka waasaaradda Awqaafta & Arrimaha Diinta JFS Mudane sheikh Nur Mohamed Hassan oo maalmahan safar shaqo ku joogay Dalka Turkiga ayaa martiqaad rasmi ah ka helay jaamacadda Ondokuz Mayis oo ku taalla gobolka Samsun kuliyadeeda shareecada & Qaanuunka.

Madaxweynaha jaamacadda ayaa Soo dhawayn ballaaran u sameeyay wasiirka & wafdigiisa iyada laga wada hadlay sidii kuliyadda Shareecada ay wasaaradda ugu deeqi lahayd  tacliin sare oo isugu jirta Bachelor  & Master.

Sidoo kale maamulka jaamacadda ayaa balanqaaday in ay shaqaalaha wasaaradda ugu deeqi doonaan waxbaarsho nidaami ah oo heerarka kala duwan ah & tababarro ku aaddan sidii ay u hormarin lahaayeen xirfaddooda shaqo .

Waxaa uu wasiirka hoolka jaamacadda kulan kula qaatay ardayda kuliyadda shareecada & Qaanuunka.

Waxaa ay sidoo kale ballan qaadeen in ay tababarro siin doonaan Imaamyada, macallimiinta Qur’aanka & culimada soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa ugu dambayn u mahadceliyay maamulka & shaqaalaha jaamacadda sidii diirranayd ee loo soo dhaweeyay isaga & wafdigiisa.

Kulankan Ayaan imaanaya iyada oo todobaadkii hore uu wasiirka la qaatay Madaxa Diinta & Awqaafta Dalka Turkiga kulan miro dhal u ah shacabka soomaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...