Guddiga Joogtada ee Aqalka sare oo sheegay Xilliga uu furmayo Kalfadhiga Golahaasi

Date:

Muqdishoย October 1 (SNTV):-Guddiga Joogtada ee Golaha Aqalka sare ayaa kulan ay yeesheen maanta waxay kaga hadleen Xilliga fadhiyada Golaha la bilaabayo, Warbixinadii Xog Aruurinta Guddiyadii loo kala diray Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowlada Federaalka Soomaaliya, waxaana shir guddoominayay Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdulaahi.

Fadhiga ayaa markuu soo gaba gaboobay waxaa Warbaahinta Qaranka la hadlay Sen, Cabdi Kaafi Macalin Xasan oo ah Habdhooraha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaana uu sheegay in Ajendahaย  uu ka koobnaa dhowr Qodob fadhigana lagu Magacaabay Guddi laanta fulinta Dowlada kala xaajooda dhameynta Khilaafka soo kala dhex galay Dowlad Goboleedyada iyo Dowlada dhexe, iyadoo dhanka kalena uu habdhoore C/kaafi Macalin Xasan uu sheegay in fadhiyada Golaha Aqalka sare BFS la go,aansaday inay bilowdaan 10 ka bishan.

โ€œWaxaa la magacaabay Guddi laanta fulinta dowlada Federalka kala xaajooda dhameynta Khilaafkii soo kala dhex galay Dowlad goboleedyada iyo Dowlada Fderaalka Soomaaliya , Mida kale fadhiyada golaha Aqalka sare BFS waxaa la goโ€™aansaday uu bilowdaan 10 ka bishanโ€ayuu yiri Habdhoore C/kaafi Macalin Xasan

Dhawaan ayay aheyd markii xubno ka tirsan Golaha Aqalka sare uu gudfoonka u diray inay xog aruurin kasoo sameeyaan dowlad goboleedyada xubnaha ka ah Dowlada Federaalka Soomaaliya, si xal dhab ah looga gaaro Tabashooyinka jira.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hayโ€™adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo furay Kulanka Guddiga Sare ee Mashruuca Kordhinta Adkeysiga Iyo La-qabsiga Isbedelka Cimillada

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan...

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABEY MAAREEYAHA GUUD EE WAKAALADDA MADBACADDA QARANKA

Madaxweynaha Jamnhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane xasan Sheekh Maxamuud ayaa...