Dowladda Soomaaliya oo ballanqaaday horumarinta goobaha dalxiiska dalka

Date:

Muqdisho October 1 (SNTV):- Degmada Warshiikh ee Gobolka Shabeelaha dhexe oo ah degmo Taariikhi ah ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay u diyaarineysaa goob dalxiis oo dalka daqli badan uu ka soo galo.

Agaasimaha Waaxda Dalxiiska ee Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/risaaq Cabdi C/llaahi oo ka mid ahaa mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka oo tagay degmada Warsheikh ayaa ujeedada ay halkaasi u tageen ku sheegay iney qiimeyn iyo baaris ku sameeyaan degmada iyo goobaha ay kaga haboon tahay in lagu dalxiiso si dib u dhis loogu sameeyo.

Degmada Warshiikkh waxay ahaan jirtay xarun Diimeed oo Diinta Islaamka looga looga iman jiray Gobollada dalka iyo qaar ka mid ah dalalka Shisheeye,sida uu sheegay Guddoomiyihii hore ee degmadaasi Axmed Xuseen Axmed Shiidka.

Nolol maalmeedka dadka ku nool degmada Warshiikh ee Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa waxay ku xiran tahay Jallaabashada Kalluunka,Beeraha iyo waliba dhaqashada Xoolaha nool hadana waxaa ku soo kordhay dalxiiska oo dad badan maalmaha fasaxa u dalxiis tagaan si ay u soo qaataan neecowda iyo jawiga qurxoon ee xeebta degmada.

C/risaaq Xuseen Axmed oo ku magac dheer “ Shiino” wuxuu ka mid yahay qurba joogta Soomaaliyeed ee nasiibka u yeeshay inuu dalxiis ku tago degmada Warshiikh,isagoona Dowladda Soomaaliya ku ammaanay sida ay ugu heelan tahay horumarinta dalka,wuxuuna Soomaalida ku nool dalka dibadiisa ku dhiira geliyay iney ku soo laabtaan dalkooda kana qeybtaan dib u dhiskiisa.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay iney ka go’an tahay horumarinta goobaha dalxiiska dalka,islamarkaana ganacsatada Soomaaliyeed looga baahan yahay iney maalgashadaan dalkooda hooyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoonka Golaha Shacabka oo beeniyay warar been abuur ah oo lagu faafiyey baraha bulshada

Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo si adag u cambaareysay Doorashadii Sharcidarada ee Baydhabo

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaareyneysaa is...

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa warbixin uga dhagaystay Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Maxkamadda Sare ee Dalka oo ansixisay natiijada Doorashada Golaha Deegaanka G/Banaadir

Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si kama...