Muqdisho oo laga xusay maalinta Beeraha Carabta

Date:

Muqdishoย October 1 (SNTV):-ย Magaalada Muqdisho waxaa markii ugu horeysay maanta lagu qabtay Munaasabad lagu Xusayay maalinta Beeraha Carabta oo sanadkiiba mar la qabta.

Munaasabadda ayaa waxaa kasoo qeyb galay Wasiirka Beeraha , xildhibaano ka tirsan golaha shacabka, Safiirka jaamacadda carabta u fadhiya soomaaliya, wafdi ka socday dalalka jaamacadda carabta, wakiilka soomaliya u fadhiya Heyโ€™adda FOA ย , qubaro ku xeel dheer arimaha beerahaย  iyo marti sharaf kale oo munaasabadda lagu casuumay.

Masuuliyiinta xaflada kasoo qeyb gashay ayaa ku dheeraaday ka Hadalka qiimaha ay leedahay maalinta beeraha carabta, waxeyna dhinaca kale isla meel dhigeen sidii la isaga kaashan lahaa horumarinta wax soo saarka dalalka jaamacadda carabta oo ay soomaaliya qeyb ka tahay.

Agaasimaha maamulka iyo maaliyadda ee wasaaradda beeraha iyo waraabka Axmed Cilmi Waasuge oo xafaladda kadib saxaafadda la hadlay ayaa sharaxay qiimaha ay leedahay maalinta beeraha carabta oo markii ugu horeysay dalka laga xusay.

Ugu dambeyn wasiirka Beeraha iyo waraabka Mudane Saciid Xuseen Ciid ayaa hadiyaddo gudoonsiiyey qaar kamida marti sharaftii kasoo qeyb gashay xuska munaasabadda maalinta beeraha carabta oo markii ugu horeysay la asteeyay sanadkii 1972.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo booqday Xarunta Dhexe ee Machadka Warbaahinta Al-Jazeera

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan degmada Xuddur

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutada 9-aad ee...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga oo kala saxiixday heshiis iskaashi Dhinaca Difaaca Ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...