Wasiirka Maaliyadda XFS oo Shir Guddoomiyay kulanka Billaha ah ee Guddiga Dhaqaalaha

Date:

Muqdisho (SNTV):–Wasiirka Maaliyadda ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle, ayaa Maanta Shir Guddoomiyay kulanka Billaha ah ee Guddiga Dhaqaalaha (FGC meeting).

Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in maanta kulanka Billaha ah diiradda lagu saaray waxyaabihii guddiga u qabsoomay iyo caqabadihii ka horyimid tan iyo markii la dhisay Guddigan.

“Waxaan maanta shirgudoomiyay kulanka Billaha ah ee guddiga dhaqaalaha (FGC meeting) oo aan diiradda ku saarnay waxyaabaha inoo qabsoomay iyo caqabadaha jira sidii looga gudbi lahaa” ayuu yiri Wasiir C/raxmaan Ducaale Beyle.

IMF ayaa dhawaan shaaca ka qaaday in Dowladda Sooomaaliya buuxisay dhammaan 27-dii shuruudood oo uu Sanduuqa Caalamiga ah ee Lacagta Adduunka (IMF) uu ku xiray si deymaha lagu leeyahay looga cafiyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax dhigay Xarunta Horumarinta Manaahijta waxbarashada dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Safiir Soomaaliya u magacowday Kirgistaan oo gudbiyey waraaqaha aqoonsiga

Danjire Fatxudiin Cali Ospite ayaa maanta si rasmi ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay xarunta dhaxe ee Wasaaradda Tamarta 

Muqdisho, Talaado, 21 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Soomaaliya oo ka qayb gashay Kalfadhigii ugu Guddiga Fulina Hay’adda UN-Habitat

Kalfadhigii ugu horreeyay ee Guddiga Fulinta ee UN-Habitat ee...