Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kulan la qaatay Wakiilka Midowga afrika ee Soomaaliya

Date:

Muqdisho (SNTV)- Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Maxamed ayaa maanta ku Qaabilay Xafiiskiisa Xubno uu Hoggaaminayay Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya, Danjire Francisco Madeira .

Waxay ka Wada hadleen Siddii loo dar dargalin lahaa Howl-galka ka Dhanka ah Alshabaab Ee Ay Gobalada Dalka  ka Socda.

Danjire Francisco Madeira  ayaa ku ammaanay dawladda Federalka Soomaaliya Gaar ahaan Wasaaradda Gaashaandhigga sida ay uga go’antahay Xoreynta Goobaha ay ku Sugan yihiin Haraadiga Maleeshiyaadka Alshabaab

“waa Talaabo Wanaagsan oo hore loo qaaday Howl-galka ka Socda Labada Shabeelle, Gedo, Baay iyo Bakool ee lagu Xoreeyay Deegaano badan oo Dadka ay ku Dhibaateyn jireen Kooxda Ashabaab “Ayuu yiri Danjire Francisco Madeira

Dhanka kale Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa Sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka ay u Diyaar garoobeen Qorshaha Kala Guurka Ee Ciidamada Amisom iyo Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Ayaa Maanta Kormeer Ku Tagay Xaruntii Dhexe ee Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS xildhibaan Cali Yuusuf Cali...

Wasiirka Kalluumeysiga oo Qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya, Mudane...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Masar ee Arrimaha Afrika

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Hoggaamiyaha Koongur Galbeed oo Daah furay Imtixaanaadka Dugsiga Dhexe ee Degaannada KGS

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...