Wasiir Beyle oo sheegay in Dowladda Soomaaliya ay dadaal ugu jirto sidii lacag cusub loo soo daabici lahaa

Date:

Muqdisho September 22 (SNTV);- Dowladda Soomaaliya aya buuxisay dhammaan 27-dii shuruudood oo uu Sanduuqa Caalamiga ah ee Lacagta Adduunka (IMF) uu ku xiray iney buuxiso si deymaha lagu leeyahay looga cafiyo.

Wasiirka Maalilyadda ee Soomaaliya, Dr Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo Wareysi gaar ah siiyey laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da waxa uu uga warramay kulamo ay maalmahan iyaga iyo IMF ku lahaayeen magaalada Nairobi, waxaana uu sheegay in kulanka uu socday Toddoba maalmood.

Kulankana uu yahay mid seddexdi biloodba la qabto laguna qiimeeyo muddadaasi waxa u qabsoomay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

IMF-tu waxaa ay noo sheegtay ayuu yiri iney Soomaaliya wax badan u qabsoomeen beesha caalamkana ay aad u soo dhaweynayaan loona baahan yahay iney Soomaaliya geeddiga sii wado.

Lacagta cusub ee Soomaaliya goormaa la soo daabacayaa?

Sida aynu ogsoonnahay lacagtu waxay ka mid tahay astaanta dowladnimo ee lagu garto qaran kasta oo jira oo xor ah.

Dowladda Soomaaliyana waxay dadaal ugu jirtaa sidii dhawaan loo soo daabici lahaa lacagta cusub oo uu dalku yeelanayo, iyada oo ay horay wasaaradda Maaliyaddu u shaacisay lacagtu nooca ay noqoneyso.

Wasiirka Maalilyadda ee Soomaaliya, Dr Cabdiraxmaan Ducaale Bayle mar uu arrintan ka hadlayey ayaa wuxuu sheegay “iney IMF isku afgarteen isla-markaana ay isla-meel dhigeen sidi ay isaga kaashan lahaayeen balse loo baahan yahay lacagti lagu soo daabici lahaa lacagta cusub oo muddo 3o sano kaddib uu yeelanayo dalku.”

Daabacadda, maamulidda, meel geyenta, xafididda iyo marka ay xumaatana hagaajinteeda waxay u baahan tahay ayuu yiri lacag, lacagtaas oo aan beesha caalamka ka sugeyno. Daabacadda oo keli ah waxay u baahan tahay 41 milyan oo doolar.

Waxaanna rajeeyneynaa ayuu yiri “lacagtaasi iney Soomaaliya ka heli doonta beesha caalamka.

Deymihi Soomaaliya lagu lahaa cafintooda halkeey marayaan?

Soomaaliya sida aan Ogsoonnahay waxaa lagu leeyahay deymo badan si deymahaasi faraha badan looga cafiyana waxaa jiro shuruudo looga baahanyahay iney buuxiso dowladihi iyo hay’adihi deymaha ku lahaa laftooda iney waafaqaan qorshaha aan damacsannahay.

Ka dowlad ahaan Madaxweynaha iyo Ra’isal wasaarahaba dowlado iyo hay’do badan ayay arrinta deynta kala hadleen ballan qaadyana Soomaaliya wey haysataa marka waxaan rajeeynayaa iney wax badan inoo qabsoomi doonaa.

Xigasho BBC

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Hawlaha Guud XFS oo safar shaqo ku jooga Nairobi ayaa la kulmay madaxda Bangiga Aduunka

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta...

Xamarweyne,Boondheere iyo Shibis oo saakay looga dareeray diiwaangelinta codbixiyaasha

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka gaar ahaan Degmooyinka Xamarweyne,...

Safiirka Soomaaliya ee dalka shiinaha oo Ka Qayb gashay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Luqadda Shiinaha

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, Dr. Hodan Osman...

Ciidanka Daraawiishta Puntland oo fashiliyey weerar khawaarijta Daacish ku soo qaadeen fariisimo Ciidanka ku lahaayeen buuraha G/Bari

Ciidanka Daraawiishta dowlad gobolleedka Puntland ayaa aroornimadii hore ee...