Ciidamada ammaanka oo Gacanta kusoo dhigay Laba xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab

Date:

Muqdisho September 20 (SNTV):-Ciidamada ammaanka ee Soomaaliya ayaa gacanta kusoo dhigay Labo xubnood oo ka tirsanaa amniyaadka kooxda Al-Shabaab, xilli ay ku dhuumaalaysanayeen qaybo ka mid ah Degmada Dharkeynleey ee Gobolka Banaadir.

Qoraal kooban oo ay barteeda Twitter-ka soo dhigtay hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa waxay ku sheegtay inay Ciidamada ammaanku soo qabteen shaqsiyaadkan markii ay heleen xog ku aaddan xubnahan la qabtay.

Howlgalka lagu soo qabanayay Labadan xubnood ee ka tirsan kooxda nabad-diidka Al-Shabaab ayaa ahaa mid qorsheysan, kaas oo aysan cidina wax ku noqon, waxanay hay’addu fartay Bulsho weynta Soomaaliyeed inay ku Garab istaagaan difaaca Shacabka.

“ciidamada amniga ayaa Labo shakhsi oo amniyaat-ka Al-shabaab ah kasoo qabtay Degmada Dharkeynleey ee Magaalada Muqdusho, howl-galka cidi wax kuma noqon, Nagu Garab istaaga si aan u difaacno dhammaan shacabkeenna.

Ciidamada ammaanka Soomaaliya ayaa indhawaalaba ku howlanaa sidii ay u Laba laabi lahaayeen sugidda ammaanka Dalka, iyagoo Bulshada qaybaheeda kala duwanna ku boorrinayo inay Garab istaagaan layskana kaashado cadawga Ummadda iyo Qarannimada Soomaaliyeed ee Al-Shabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha putland oo qaabilay safiirka dowladda ingiriiska ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi, ayaa maanta Qasriga...

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa kulan soo dhaweyn ah loogu qabtay Caasimada Helsinki ee waddanka Finland

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Maxamed Barre Maxamuud ayaa...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo kulan saagootin ah kula qaatay xafiiskiisa Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha QM u qaabilsanayd Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre,...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS oo Tababar u furay Howl-wadeennada Warbaahinta Qaranka uga soo warama Gobollada Dalka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi...