Abaanduullaha Ciidanka Xoogga oo ka Warbixiyay deegaanadii ugu dambeeyay ee laga saaray Alshabaab

Date:

Muqdisho (SNTV)- Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa xoreeyey deegaano ay kamid yihiin gandershe iyo Jilib oo hoos taga magaaladda Marka ee Xarunta gobolka Sh/hoose, kadib howlgallo halkaasi ka dhacay.

Abaanduullaha Ciidanka Xoogga dalka Gen. Odowaa Yuusuf Raagge oo horkacayey Ciidanka ayaa sheegay in Ciidanka xoogga maalmahan ay wadeen Howlgalo lagu sifeynayo inta u dhaxeysa Jaziira ilaa iyo Magaaladda Marko, islamarkaana ay u suurta gashay in dagaal ay kula wareegaan deegaanada kala Ceel Ow Maki, dhannaane, Gandarshe iyo Jilib Marka, halkaasi oo ay ku dhuumanayeen Kooxda Alshabaab.

Abaanduullaha  oo la hadlay Idaacadda codka ciidamada qalabka sida ayaa xusay Maleeshiyada Alshabaab in ay ka dileen in kabadan 13 Maleeshiyaad iyo horjoogeyaal isugu jira, ayna ka qabsadeen gaadiidka dagaal iyo hub fara badan.

Gen. Odowaa Yuusuf Raagge ayaa xusay in Kooxda Alshabaab aysan laheyn awood ay isaga difaacaan Ciidanka Xoogga dalka, isaggoo xusay in meelaha hadda ay ku dhuumanayaan Argagixisada ay ka sifeyn doonaan Kooxdaasi baxsadka ah.

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxay wadeen howlgallo ballaaran oo Nabad diidka Kooxda Alshabaab looga xoreynayo deegaanada ay kaga dhuumanayaa guud ahaa dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha shacabka oo ansixiyey gudidda xuquuqal insaanka Qaranka

Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ayaa cod Aqlabiyad leh...

Guddiga Garsoorka ee aqalka sare oo yeeshay kulan gaar ah

Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka...

Taliska Ciidanka Xoogga oo Digniin Adag Ka Soo Saaray Isticmaalka Calaamadaha iyo Astaamaha Ciidanka XDS

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Digniin Adag Ka...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday 

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay Shirka Iskaashiga...