Gedo: Ciidamada Xoogga Dalka oo dilay dhagar qabayaal ka tirsan Al-Shabaab

Date:

Ciidamada Xoogga dalka ayaa howlgallo ay ka fuliyeen deegaanno hoostaga Degmada Doolow ku dilay 30 ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab, kuwaasi oo doonayay inay si xoog ah ku kaxeystaan xoolo ay lahaayeen dadka deegaanka ah.

Saraakiisha ciidamada hogaamineyso ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay inay ka hortageen boob ay maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab la damacsanaayeen dadka xoolo dhaqata ah ee ku nool deegaanno hoostaga Degmada Doolow, kuwaasi oo ku qasbay inay xoolahooda geeyaan meel 60 km dhanka bari kaga beegan Doolow ee Gobolka Gedo, balse ciidamada Xoogga dalka ay ku guuleysteen in dadka deegaanka ay u badbaadiyeen xoolahooda.

Dadka deegaanka ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey in ay badqabaan xoolihii ay Al-Shabaab dhaca u geysan lahaayeen, ayna u mahadcelinayaan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo ka hortagay boobka loo geysan lahaa xoolahooda.

Saraakiisha ayaa dhankooda xaqiijiyey in wax khasaare ah uusan soo gaarin ayna si gaar ah u bartilmaameedsanayeen argagixisada shacabka dhibaatada ku heysa.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha shacabka oo ansixiyey gudidda xuquuqal insaanka Qaranka

Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ayaa cod Aqlabiyad leh...

Guddiga Garsoorka ee aqalka sare oo yeeshay kulan gaar ah

Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka...

Taliska Ciidanka Xoogga oo Digniin Adag Ka Soo Saaray Isticmaalka Calaamadaha iyo Astaamaha Ciidanka XDS

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Digniin Adag Ka...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday 

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay Shirka Iskaashiga...