Wasiirka Waxbarashadda XFS oo kulan la qaatay Hoggaanka Jaamacaddaha dalka

Date:

Muqdisho (SNTV), Wasiirka Waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay  hoggaanka Ururada ay ku mideysan yihiin Jaamacadaha dalka.

Kulankan  ayaa waxaa goob joog ka ahaa wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle, Agaasimaha guud ee wasaaradda Mudane Xassan Maxamed Cali iyo xubno kale oo ka tirsan wasaaradda waxbarashada.

Wasiiru dowladaha Wasaaradda waxbarashada Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle ayaa sheegay in wasaaradda ay ka go’an tahay inay wada shaqeyn dhow la yeelato bahda waxbarashada , islamarkaana dhankooda looga baahan yahay  inay la shaqeeyaan wasaaradda si horumar loo gaaro.

Guddoomiyaha Ururada ay ku mideysan yihiin jaamacaddaha dalka Daahir Xassan Carab ayaa sheegay in waxbarashada dalka ay soo martay marxalado kala duwan hadda ay mareyso meel wanaagsan, isagoo wasiirka ka dalbaday inuu ka firsado dhismaha guddiga tacliinta sare islamarkana uu soo xulo dad aqoon u leh waxbarashada.

Mudane Cabdulahi Goodax Barre wasiirka waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee dalka ayaa kulanka ka sheegay in wasaaradda bishan gudaheeda qorsheyneyso inay la wareegto 26 iskuul oo ku yaalla gobolka Banaadir kuwaasoo ay kafaalo qaadi doonto wax kasta oo ay u baahan yihiin.

“Wasaaradda waxbarashada waxaa bishan gudaheeda u qorsheysan inay la wareegto 26 iskuul oo ku yaalla gobolka Banaadir, waxaan bixin doonnaa wax kasta oo ay u baahan yihiin, sannadka soo socda waxan rajeyneynaa anngoo kaashaneyna wasiirada waxbarashada maamulada dalka ka jira oo wada shaqeyn wanaagsan naga dhaxeyso in gobolladana iskuulo ka hirgelino’’ayuu yiri wasiirka waxbarashada Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre.

Wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya  ayaa sheegay in la dhameystiray islamarkanaa hadda uu socdo qeybinteeda manhajka fasalada afaraad, haddan waxaa socota qorida manhajka fasalada 5-aad iyo 12-aad , sannadka soo socdana la dhameystiri doono isagoo  sheegay in  kaalin ay ka geysteen daalladaha waxbarashada dalka.

Dowladda federaalka ayaa wada qorshe lagu horumarinayo waxbarashada dalka, iyadoo wasaaradda ay gacanta ku heyso iskuullo ku yaalla magaalada Muqdisho kuwaasoo si lacag la’aan ah wax uga bartan caruurta Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wejiga labaad ee Barnaamijka iskaashiga Shacabka iyo Haya’addaha Amniga oo lagu qabtay Muqdisho

Degmada Dharkenlay ee gobolka Banaadir oo lagu qabtay kulan...

Gobolka Florida oo laga hirgalinaayo xarun 2-aad oo lagu hayo soo galootiga

Guddoomiyaha gobolka Florida Ron DeSantis ayaa ku dhawaaqay Khamiista...

Madasha Somali Leadership Awards oo abaalmarisay Hey’adda SODMA

Madasha Somali Leadership Awards ayaa sanadkaan abaalmarinta hoggaamiyaha ugu...

Ciidanka XDS oo howlgallo ka fuliyeen deegaanno ka tirsan gobolka Mudug

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta howlgallo qorsheysan ka...