Britain oo dhaqaale ku bixineysa la dagaallanka Al-Shabaab

Date:

Dowladda Ingiriiska ayaa ballan qaadday inay dhaqaale gaarayo 7 Milyan oo Yuuro ku bixin doonto taakuleynta Ciidamada AMISOM, si ay sare ugu qaadaan dagaalka ay kula jiraan kooxda Al-Shabaab.

Hadalkan ayay Ra’iisul wasaaraha Dalka Britain Theresa May, sheegtay xilli ay booqasho ku maraysay   Dalal ay ka mid tahay Kenya, iyadoo sheegtay inay xaaladda ka taagan Dalka Soomaaliya saamayn ku yeelan doonto Waddamo kale, haddii aan wax laga qaban.

Mss, May ayaa intaa raacisay in ay lama huraan tahay in xoogga la saaro sidii loo heli lahaa nabad gelyo waarto oo ka hana qaadda Soomaaliya, taasina lagu gaari karo in dedaallo dheeraad ah lagu bixiyo la dagaallanka kooxaha argagixisada.

Dowladda Ingiriiska ayaa door weyn ku leh tababarrada iyo taakuleynta Ciidamada howl-galka Midowga Afrika ee AMISOM iyo kuwa Soomaaliya, iyadoo sidoo kale dhaqaale fara badan ku bixiso dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo kulan la qaatay madax iyo siyaasiin heer qaran ah

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo Guddi Xildhibaano ah magacaabay

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Golaha shacabka oo ansixiyey gudidda xuquuqal insaanka Qaranka

Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ayaa cod Aqlabiyad leh...

Guddiga Garsoorka ee aqalka sare oo yeeshay kulan gaar ah

Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka...