Ra’iisul Wasaare Khayre oo ku Amray Wasaarada Amniga in ay dedejiso Siyaasadda Xakamaynta Qaxootiga soo gelaya Dalka

Date:

Muqdisho(SNTV): –Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre oo guddoomiyay kulan ay golaha wasiirradu ku yeesheen Muqdisho ayaa ku amray wasaaradda amniga gudaha iyo wasaaradaha kale ee ay khusayso in ay soo diyaariyaan siyaasad lagu xakamaynayo qaxootiga dalka soo gelaya ee ka imaanaya dalalka ay dagaalladu ka holcayaan.

Taliyaha hoggaanka socdaalka iyo Jinsiyadaha dawladda federaalka Soomaaliya Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) oo shirka golaha wasiirrada ka qayb galay ayaa ka war-bixiyay hannaanka dib-u-eegista sharciyada socdaalka iyo dal-ku-galka, ajaanibta iyo qaxootiga dalka soo geliya iyo kuwa horay u joogay iyo saamaynta qalalaasaha wadamada deriska ay ku leeyihiin qul-qulka qaxootiga dalka soo gelaya.

Kadib xogta uu taliyaha hoggaanka socdaalka iyo Jinsiyadahu siiyay golaha ayaa ra’iisul wasaare Khayre waxa uu faray dhinacyada ay khusayso in siyaasaddaa xakamaynta qoxootiga ay noqoto mid maamuus gaar siinaysa qaxootiga ka imaanaya waddamada soo dhaweeyay mawaadiniinta Soomaaliyeed xilligii ay dalalkooda ku qaxeen.

Dhanka kale, golaha wasiirada ayaa dhagaystay warbixin ay soo gudbisay wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska iyo guryaynta oo khusaysay sidii siyaasad looga yeelan lahaa dhismaha xarumaha dawladda, waxaana ugu dambayn golohu isku raacay in wasaaradu ay mas’uul tahay bixinta qandaraasyada lagu dhisayo xarumaha iyo xafiisyada dawladda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo daahfuray narnaamijka Ilaalinta iyo daryeelka bulshada.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax...

Wasiirka Warfaafinta oo haddiyad ku saabsan Matxafka Carta guddoonsiiyay Ra’iisul Wasaaraha.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Wasiirka Qorsheynta XFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay dhiggiisa Brazil.

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS, Mudane Maxamuud...

Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Waxbarashada XFS oo ka qeybgashay Shirweynaha 43aad ee UNESCO.

Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda...