Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Madaxda Shirkadaha Ganacsi iyo kuwa Dhaqaalaha ee Dalka Shiinaha

Date:

Muqdisho (SNTV) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la kulmay madaxda shirkadaha ganacsi iyo kuwa dhaqaale ee dalka Shiinaha, kuwaas oo daneynaya in maalgashi ay ku sameystaan Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhaweysay dhamaan dadka daneynaya in ay maalgashi ku sameystaan Soomaaliya, taasi oo door weyn ka qaadaneysa in hormar la gaaro, islamarkaana deegaanka la maalgashado, maadaama ganacsiga Soomaaliya uu yahay mid furan.

Dhinaca kale Zhao Leji oo ah xubin sare oo ka tirsan Guddiga Siyaasadda ee Golaha Dhexe ee Xisbiga Hanti Wadaagga ee Shiinaha, ahna Xoghayaha Guddiga La dagaallanka Musuqa ee Xisbiga ayaa casho sharaf soo dhaweyn ah ugu sameeyay Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa Guriga Martida ee Diaoyutai State Guest House ee magaalada Bakiin (Beijing), sida uu sheegay Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta, Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdinuur Axmed Maxamed

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo daahfuray madasha labaad ee Istiraatiijiyadda warbaahinta 2026

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka hadlay horumarinta Warbaahinta Dowladda iyo tayeynta wariyaasha

-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...