Jowhar oo laga bilaabay Tababarka tababarayaasha Waxbarashada Madaniga ee dib-u-eegista Dastuurka

Date:

Jowhar (SNTV)- Waxaa magaalada Jowhar ee Casimadda Dowlad Goboleedka Hirshabeella ka furmay tababarka tababarayaasha Waxbarashada Madaniga iyo Wacyigelinta Dadweynaha ee dib-u-eegista Dastuurka oo ay wada qabanayaan Wasaaradda Arimaha Dastuurka ee XFS iyo Wasaaradda Arimaha Dastuurka iyo Federaalka ee Hirshabeelle.

Ugu horeeyn waxaa tababarka furay Wasiirka Arimaha Dastuurka ee Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdiraxmaan wuxuuna uga mahadceliyay wafdiga Wasaaradda Dastuurka ee XFS sida ay ugu soo diyaargarooween in Hirshabeelle lagu qabto tababarakan, sidoo kale Wasiirka wuxuu si qoto dheer uga hadlay wadashaqeynta ka dhaxeysa Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS iyo Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Xamse Cabdi oo kamid ah La-taliyayaasha Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS ayaa sheegay in tababarka maanta ay qaadan doonaan Bulshada Rayidka Hirshabeelle kadibna ay qaadan doonaan xubno ka socda hay’adaha dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Ugu dambayn, xubno ka socda qaybaha kala duwan ee bulshada Hirshabeelle ayaa maanta magaalada Jowhar uga bilaabmay tababarka tababarayaasha Waxbarashada Madaniga iyo Wacyigelinta Dadweynaha ee dib-u-eegista Dastuurka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...