Alshabaab oo sixirooleyaashooda soo ban bixiyay

Date:

Maleeshiyada argagixisada ah ee Alshabaab ayaa dadka ku nool deegaannada ay haystaan u soo bandhigay wax ay ugu yeereen dabbaal degyo ciidda lagu soo beegay.

Degmada Saakow oo ka mid ah gobolka Jubbada dhexe, ayay maleeshiyadu meel fagaare ah isugu soo bixisay carruurta iyo haweenka halkaas ku dhaqan ee ay xoogga ku haystaan, waxayna u soo bandhigeen,maleeshiyadooda oo raashin cunaya isla markaana jir dhis sameynaya.

Waxyaabihii kooxdu soo bandhigtay waxaa ka mid ahaa niman sixirooleyaal ah, oo kooxdu adegsato, kuwaas oo soo bandhigay waxyaabo indho sarcaad ah.

Sixirooleyaasha oo u labisnaa si aad fool xun, ayaa la qariyay wajiyadooda, si aan loo garan.

Sixirka ayaa ka mid ah tabaha ay adeegsato kooxdan Islaamka ka been sheegta, si ay maanka uga xaddo da’ yarta iyo dadka aan garaadkooda iyo aqoontoodu ku filnayn.

Sixirku waxa uu ka mid yahay arrimaha ay Shareecada Islaamku xaaraantinimeysay, hase yeeshee maleeshiyada Alshabaab ee xag-jirka ah, ayaa ku dhaqanta wax kasta oo Shareecada Islaamku reebtay sida daadinta dhiigga muslimiinta, dhaca xoolahooda iyo ku xad-gudubka karaamadooda iyo diintooda.

Alshabaab, ayaa adeegsata  hal ku dhagga ah: “Si aad ujeeddadaada u gaarto, samee wax kasta una adeegso wax kasta”.

Sidaas ayuuna sixirka, dilka muslimiinta, xitaa haddii ay masaajid ku jiraan, dhaca xoolahooda iyo ku xad-gudubka karaamadoodu uga mid yihiin hababka ama wasiilooyinka ay u maraan gaarista hadafkooda oo ah in ay awood iyo dhaqaale helaan.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan

Ugu yaraan 600 oo qof ayaa dhintay, 1,500 oo...

Guddoomiyaha SoDMA iyo Madaxa Bisha Cas ee Qatar oo ka wada hadlay gargaarka iyo tababarrada

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Maxkamadda Ciidamada oo saakay xukun dil ah ku fulisay xubno ka tirsanaa Khawaarijta

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa saaka dil toogasho ah...

Ciidamada Xoogaa Dalka oo lagu bogaadiyay howlgal lagu jabiyay Khawaarijta

Taliyaha qeybta 1-aad Kumaandooska Gorgor Gaashaanle Dhexe Saahid Jaamac...