Ciidanka Amniga oo Gacanta ku soo dhigay Labo dhagarqabe oo ka tirsan Alshabaab.

Date:

Muqdisho(SNTV):โ€“ Ciidamada Amniga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa gacanta ku soo dhigay labo dhagar-qabe oo ka tirsan Argagixisada Alshabaab. sida uu sheegay Taliska NISA.

Warkan ka soo baxay Taliska Hayโ€™adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee NISA ayaa lagu sheegay in howlgalkan uu dhacay habeen hore Kaas oo ahaa mid lagu sugayay Nabad-galyada Shacabka, Islamarkaana ay Ciidanka amniga gacanta ku soo dhigeen labadaasi dhagarqabe.

โ€œHabeynimada 23ka Agoosto, ciidanka Nabadgelyada Dowlada Federaalka ah ayaa Degmada Wadajir waxay howlgal kusoo qabteen labo shakhsi oo argagaxisada Alshabab ah. Howlgalkaanย oo lagu sugayay nabadgelyada dadwaynaha soomaaliyeed,ย  cidna wax kuma noqon.โ€ayaa lagu yiri Warkan ka soo baxay NISA

Magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah Gobolada Dalka waxaa ka socda Howlgalo ay wadaan Ciidamada Amniga,iyagoo ku guuleestay inay ka hortagaan dhibaatooyin badan oo Argagixisada ay la maaganaayeen shacabka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga oo kala saxiixday heshiis iskaashi Dhinaca Difaaca Ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Wasiirro ka tirsan XFS oo Bandhigga Difaaca Adduunka kaga qeyb galay Riyaadh

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo Muqdisho ku soo dhaweeyay dhiggiisa Dalka Jabuuti

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda...