Taliyeyaasha Ciidanka Booliska iyo Asluubta oo Ciidanka ku sugan duleedka Muqdisho la qeybsaday Farxadda Ciidul Adxaa

Date:

Muqdisho (SNTV), Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/gaas Bashiir Cabdi Maxamed “Ameeriko” iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/guud Bashiir Maxamed Jaamac “Keynaan” oo ay  weliyeen taliye ku xiggeenka koowaad ee Booliska S/guuto Saciid Axmed Kadiye iyo Saraakiil kale, ayaa maanta Kormeer shaqo ku tagay Ciidanka ammaanka ee ku sugan duleedka magaaladda Muqdisho.

Kormeerka, ayaa ka bilowday Deegaanka Gubadleey, Shineemo Cabdi Waayeel, Saldhigga Degmadda Heliwaa, fadhiyada Ciidanka ee degmadda Deyniile, Ceelasha Biyaha iyo deegaanka Jaziira, waxaana Ciidankii goobahaasi ku sugnaa ay ku booriyeen inay adkeeyaan shaqadda Ummadda Soomaaliyeed ay u hayaan.

Taliyaha Ciidanka Asluubta iyo Taliyaha Ciidanka Booliska, ayaa la qadeeyey Ciidanka Ammaanka,  waxaana kormeerkaan uu ahaa mid lagu dhiir gelinayo Ciidanka, sidoo kalana  lagula qeybsanayo farxadda Munaasabadda maalinta Seddexaad ee Ciidul Adxaa.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye gaas Bashiir Cabdi Maxamed “Ameeriko”,  ayaa Warbaahinta Qaranka uga waramay Ujjeedka Kormeerka ay maanta sameeyeen, isaggoo xusay inay u kuur galayeen sida ay u socdaan Howlaha amniga lagu sugayo.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye guud Bashiir Maxamed Jaamac “Keynaan” oo la hadlay Ciidanka ku sugan Kontaroolada laga soo galo Muqdisho, ayaa sheegay in Madaxda Qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed Ciidanka ay ku  ammaanayaan  Xaqiijinta Amniga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...