Taliyaha iyo Abaanduulaha cusub ee Ciidanka Xoogga oo si rasmi ah Xilka ula wareegay

Date:

Muqdisho (SNTV), Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga dalka S/gaas Daahir Aadan Cimi iyo Abaanduulaha cusub ee Ciidankaasi S/guuto Odowaa Yuusuf Raage oo dhowaan uu magacaabay Madaxweynaha JFS, ayaa maanta si rasmi ah Xilka u wareegay, kadib munaasabad ka dhacday Xarunta Waxaaradda Difaaca Soomaaliya.

Munaaasabadda, ayaa waxaa kasoo qeyb galay Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga XFS, Taliyeyaasha Ciidanka Booliska iyo Asluubta, Taliyahii hore iyo Abaanduulihii hore ee Ciidanka Xoogga, Saraakiil ka socotay Wadamada saaxiibka la ah Soomaaliya iyo marti sharaf kale.

Taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga dalka S/gaas C/wali Jaamac Gorod ayaa waxaa uu munaasabada ka sheegay in muddadii uu xilka hayay uu waxbadan ka badalay shaqada taliska, isagoona tilmaamay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu maanta wareejiyo xilka taliyaha ciidanka xoogga dalka.

Taliyaha cusub ee Ciidanka xoogga dalka S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indho-qarshe, ayaa  sheegay in uu ka shaqeyn doono siddii dalka oo dhan nabadiidka Al-shabaab looga Xoreen lahaa.

Wasiirka Wasaaradda Gaashandhigga XFD Mudane Xasan Cali Maxamed, ayaa faray Saraakiisha inay si daacad ah ula shaqeeyaan Taliyah cusub ee ciidanka xoogga dalka, isagoona xusay  in dhankiisa  uu si dhow ula shaqeyn doono.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo daahfuray madasha labaad ee Istiraatiijiyadda warbaahinta 2026

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka hadlay horumarinta Warbaahinta Dowladda iyo tayeynta wariyaasha

-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...