Aabbe Macallin Ibraahim “Aniga ayaa ku guubaabiyay inuu Dalkiisa difaaco sharaf ayayna ii tahay booqashada Madaxweynaha”.

Date:

Muqdisho-(SNTV)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ku booqday Hooygooda Magaalada Muqdisho, waaliddiinta uu ka tagay Alle ha u naxariistee shahiid Cabdullaahi Macallin Ibraahim, oo dhawaan ku shahiiday howlgallo ay Ciidanka xoogga Dalka ka fuliyeed Gobolka Shabeellada hoose.

Madaxweynaha Dalka ayaa Qoyska Shahiid C/llaahi la qaybsaday tiiraanyada geeridiisa, wuxuuna u muujiyay sida ay madaxda Qaranka u garab taagan yihiin Askarta ku waxyeelloowda difaaca Dalkooda, Diintooda iyo Sahacbkooda.

Macallin Ibraahim Nuur oo ah Abbaha Shahiid C/llaahi Macallin ayaa sheegay inuu aad ugu qanacsan yahay inuu Wiilkiisu ku geeriyoodo difaaca Dalkiisa Hooyo, isagoo sheegay inay sharaf u tahay booqashada Madaxweynaha Dalka iyo sida uu ula qaybsaday xanuunka geerida Wiilkooda.

“Sharaf bay noo tahay tan, anigaana ku guubaabiyay, Ciidanka anaa u qoray, anaa ku guubaabiyay inuu Dalkiisa iyo Qarankiisa u dhinto, Allaa mahad leh, Alle ka sokoowna waxaannu ugu mahadineynaa Madaxweynaha Dalka sida uu noo sharfay, Maydad badan ayaa ku dhintay Xaafadda, Madaxweynaha inuu Jinaazo ku tukadana isaga ayay nasiibkiisa noqotay sharaf weyn ayayna ii tahay” ayuu yiri Aabbe Macallin Ibraahim Nuur.

Booqashada uu Madaxweyne Maxamed C/llaahi Faermaajo ku tagay Gurigii uu ka baxay Allaha u naxariistee C/llaahi Macallin Ibraahim ayaa sare u qaadday hanka iyo niyadda ay Ciidamada Soomaaliya u hayaan difaaca Qarankooda.

Maxamuud Sheekh Ibraahim oo ka tirsan Ciidanka Soomaaliyeed oo dareenkiisa la wadaagay SONNA ayaa sheegay in tallaabbadii Madaxweynaha ay ku beertay dareen aad u qiimo badan , wuxuuna intaa raaciyay in Askarigu uusan ku dhiirran dhaqaale la siiyo oo qura, balse ay niyaddiisu sare u qaadi karto marka saaxiibkiisii ka horreeyay la booqdo Agoontii uu ka tagay, lana daryeelo Saaxiibkiisii ku dhaawacmay difaaca Dalka.

“Askarigu kuma dhiirrado dhaqaale la siiyo, wuxuu ku dhiirradaa marka Saaxiibkiisii ka horreeyay agoontiisa la booqdo, lana daryeelo, sidoo kalana saaxiibkiisii dhaawacmayna loo xannaaneeyo Carruurtiisa lana ogaado, Askariga haray oo fayoow wuxuu keenaa kalsooni Dal jacayl ah iyo shaqa saa’id ah, wuxuuna naftiisa u huraa Dalkiisa maaddaama uu ogyahay inuu maamul saxan ka dambeeyo oo daryeelaya ubadkiisa” Ayuu yiri Maxamuud Sheekh Ibraahim.

Maxamuud Sheekh Ibraahim ayaa sheegay tani in ay soo xasuusisay xilligii Madaxweyne Farmaajo uu ahaa Ra’iisul wasaaraha Dalka, markaas oo uu booqday Ciidamada naafada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku jira Isbitaalka Martiini, isagoo sheegay in ay Maalintaasi qiiro xooggan ku beertay.

“Maalintaas Illin baa iga timid waxaan ogaaday Dad na og inuu jiro, Soomaali weli way nooshahay, Shalay Markuu u tagay  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Qoyska Marxuumka waxaan ogaaday inaan noolaannay, waxaanan ugu baaqayaa in ay Ciidamada Soomaaliyeed Naftooda u huraan oo ay cadawga ka saaraan, waxaanan leeyahay sii haya howsha fiican ee aad waddaan” ayuu sii raaciyay Maxamuud.

Booqashada uu Madaxweynaha Dalka Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ku tagay Hooyga Shahiid C/llaahi Macallin Ibraahim ayaa Ciidanka Soomaaliyeed gelineysa kalsooni buuxda oo ay ku qabaan Madaxdooda, waxayna taasi keeneysaa in ay Cadwga argagixisada Al-shabaab iyo kuwa gabbaadka siiyaba ay meesha ka baxaan, Dalkana uu noqdo mid leh Ciidan iyo hoggaan isku duuban.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Turkiye

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh...

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo Turkiga kaga qayb galaya shir muhiim ah

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo marti qaad rasmi...

Dowladda Soomaaliya oo soo dhowaysay tiradii ugu badnad ee Khawaarijta iska soo dhiibta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa maleeshiyaadka iyo...

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo maanta ku kulmaya Daarusalaam

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo ku kulmaya Daarusalaam iyadoo...